4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 18, 2018
Antonio Guterres oo soo jeediyay in QM ay askar geyso dhulka la heysto ee Falastiin

 

Sabti, August, 18, 2018 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in ay ahayd in dadka Falastiiniyiinta si wanaagsan loo ilaaliyo oo loo difaaco iyada oo loo sii marayo waxa uu ku tilmaamay joogitaan xooggan oo ay Qaramada Midoobay ka muuqto dhulka ay Israa'iil haysato.

Mr Guterres ayaa soo jeediyay dhowr hindise warbixin ay soo jeediyeen golaha guud Qaramada Midoobay taasi oo qayb ka ahayd qaraar la soo saaray bishii June oo Isra'iil ku cambaareynayay in ay awood xd dhaf ah u adeegsatay dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta.

Xoghayaha guud ee Qamada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ee ku nool dhulka ay xoogga ku heysato Israa'il ay soo wajahday caqabado culus oo ay ka mid yihiin milatariga mudada dheer dul degan, halis amni oo joogta ah, hay'addaha dowliga oo liita iyo wadahadaladii nabada oo gebi ahaanba istaagay.

Xoghaya guud Qamada Mdidoobay ayaa soo jeediyay in la geeyo dhulka Falastiin ciidamo hubeysan oo hoos imaanaya mas'uuliyada Qaramada Midoobay.

Iyada oo sidoo kale ay jiraan khiyaaraat kale sida in la geeyo kormeerayaal madani ah, iyo in la balaariyo barnaamijyada gargaarka ee hay'adda Qaramada Midoobay.

Mr Guterres ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in mshaariicda Qamada Midoobay ay haatan hoos uga dhaceen intii loo baahna.

Balse geynta ciidamo nabad ilaalineed ama kormeerayaal madani ah dhulka la heysto ee Falastiin ayaa waxaa kaliya ansixin kara Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midboobat, iyada oo Mareykankuna ay ubadan tahay inuu dul dhigo codka diidmada qayaxan ee veto.

Xigasho/BBC