4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 18, 2018
Maamulka Jubbaland oo joojiyay dagaal beelleed ay ku dhinteen in ka badan 50 ruux

 

Sabti, August, 18, 2018 (HOL)-Maamulka Jubbaland ayaa awood ciidan u adeegsanaya joojinta dagaal beelleed maalmihii ugu danbeeyayba ku dhaxmarayay dulleedka Galbeed ee magaalada Kismaayo labo beelleedo oo isku haya  dhul la doonayay in laga qodo ceel biyood, waxaana lagu waramayaa in mudaddii uu dagaalkoodu soo taagnaa ay ku dhinteen dad ka badan 50 ruux.

Maalintii shalay deegaannadii ay dagaalladu ka dhaceen waxaa gaaray mas’uuliyiin ay kala hogaaminayeen Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish iyo xildhibaan Iftiin Xassan Baasto sida uu Idaacadda VOA u sheegay Jabriil Xusseen Isaaq oo ka mid ah saraakiisha ciidamada nabad-sugida Jubbaland.

Sarkaalkan u hadlay nabad-sugida Jubbaland ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay kala diraan maleeshiyaadii labada garab oo dagaalku dhaxmaray, iyadoo dhinaca kalana ay bar bar socdeen wada hadallo iyo gogol nabadeed oo loo furay odayaasha iyo wax-garabka beellaha dirirtu dhaxmartay.

Deegaannada lagu dagaalamay ee galbeedka Kismaayo ayaa xisiloon, iyadoo ay halkaa ku sugan yihiin ciidamada maamul gobolleedka Jubbaland oo ku guuleystay in ay kala diraan maleeshiyaadkii labada dhinac.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dhawaan mar uu Kismaayo dib ugu laabtay ka hadlayay dagaallada labada beellood waxaa uu sheegay in ay yihiin kuwo qatar ku ah nabad-galyada guud ahaanba deegaannada Jubbaland, waxaana uu ku baaqay in la joojiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]