4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 17, 2018
Qarax goor dhaw ka dhacay Waddada Taleex ee magaalada Muqdisho

 

Jimco, August, 17, 2018 (HOL) – Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay Waddada Taleex qeybta degmada Hodan  oo ka mid ah jidadka ugu isticmaalka iyo mashquulka badan magaalada Muqdisho, waxaana uu ahaa sida goob joogayaal sheegeen miino waddada dhinaceeda la dhigay.

Lama oga bartilmaameedka rasmiga ah ee Qarxan hasse ahaatee dad goobta ka agdhawaan ayaa sheegay wax yar uun ka hor uu goobta maray gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Inta la xaqiijinayo ilaa saddex ruux oo shacab ah oo goobta ka agdhawaa ayaa ku dhaawacmay Qarxa oo ahaa mid xoogan oo jugtiisa meel ka fog halka uu ka dhacay laga maqlay.

Qaraxyada noocan oo kale ah ayaa magaalada Muqdisho caadi ka ah waliba xiliyada fiidkii, iyadoo wax yeellada ugu badan ee qaraxyada ay soo gaaarto dadka rayidka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]