4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 17, 2018
Dowladda Soomaaliya oo Kenya kula heshiisay diyaaraddaha Qaadka in la saaro Kalluun

 

Jimco, August, 17, 2018 (HOL) – Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ee Soomaaliya , Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa wada-hadal la yeeshay dhiggiisa dalka Kenya,Peter G. Munya.

Wada-hadalka oo waqti qaatay ayaa marka uu soo dhammaaday waxaa ay wasiirrada ganacsiga ee Soomaaliya iyo Kenya ay sheegeen in ay ku heshiiyeen qodobbo dhowr ah, waxaa cusub ayaa ah in heshiiska uu qeyb ka yahay qodob sheegaya in diyaaradaha Qaadka ka qaada Kenya ay dhankooda Soomaaliya ka soo qaadan Kalluun la sheegay in loo iibgeynayo suuqyada Kenya.

Heshiiska qodobbada kale ee ku jira waxaa ka mid ah, in la hir-geliyo heshiiskii wadaagga ganacsiga ee ay labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku yeesheen Nairobi 29 November 2017, In la dheelli-tiro ganacsiga labada Waddan, in Soomaliya laga caawiyo sidii ay ganacsi xor ah ula yeelan lahayd waddamada ku mideysan ururrada EAC iyo COMESA, iyo in labada Wasaaradood ay iska kaashadaan dhinaca farsamada iyo shuruucda.

Soomaaliya ayaa bishii July ee sannadkan ku biirtay suuqa ganacsiga xorta ah ee bariga iyo bartamaha qaaradda Afrika ee loo yaqaan COMESA, waxanay hir gelinta heshiisyadan ay Soomaaliya la-gashay Kenya dhabbaha u xaarayaan inuu soo kabto dhaqaalaha dalka oo muddo hooseeyay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
Nairobi, Kenya