4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 17, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo u duulay dalka Turkiga

 

Jimco, August, 17, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u joogay dalka Jabuuti ayaa maanta oo Jimca ah u ambabaxay dalka Turkiga, markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa, Recep Tayyip Erdoğan.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Ordogan ay ka wada hadli doonaan adkaynta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, iskaashi ku aaddan xoojinta dhaqaalaha,ammaanka,is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha ayaa inta uu Turkiga jooga wuxuu halkaas kaga qayb geli doonaa Lix Sano guuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay xisbiga haatan talada dalka haya ee AK Part, oo ku beegan Berri oo ay Taariikhdu tahay 18-ka Augost.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti kusii sagootiyay madaxda ugu sarreysa dalkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]