3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 17, 2018
Jabuuti : Xiriirka Soomaaliya nagala dhaxeeya wuxuu sii ahaan doonaa mid xooggan

 

Jimco, August, 17, 2018 (HOL) – Wasiirka arrimaha dibedda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa boggiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal kooban oo uu uga hadlayo xiriirka labada dowladood Jabuuti iyo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Qoraalkiisa ku sheegay in xiriirka dhaxeeya labada dal uu sii ahaan doono mid xoogan marka loo eego khilaafkii dhawaan ka dhashay booqashadii madaxweynaha Soomaaliya bishii tagtay ee July uu ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Booqashada madaxweyne Farmaajo ee dalka Jabuuti uu ku joogo iyo kulamada uu la qaatay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle ayuu ku sheegay in ay dhidibada u sii adkeyn doonto xiriirka walaal-timo ee labada dowladood.

Dhab ahaa lama shaacin wax –yaabaha ay ka wada hadleen labada madaxweyne iyo wax ay iska yiraaheen tabashadii ay Jabuuti ka muujisay khudbadii madaxweyne Farmaajo ee Asmara, haddana dhinaca dhinaca kale waxaa iska muuqata in kulamdii ugu danbeeyay ee dhacay leys kula soo qaaday arrintaa iyada ah.

Jabuuti waxaa ay qeyb ka tahay howlgalka midowga Africa AMISOM waxaan Soomaaliya ka jooga Kumannaan ciidamo ah oo gaar ahaan ka howlgalka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/17/2018 2:14 PM EST
Jimco, August, 17, 2018 (HOL) – Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay Waddada Taleex qeybta degmada Hodan oo ka mid ah jidadka ugu isticmaalka iyo mashquulka badan magaalada Muqdisho, waxaana uu ahaa sida goob joogayaal sheegeen miino waddada dhinaceeda la dhigay.

8/17/2018 11:21 AM EST
Jimco, August, 17, 2018 (HOL)–Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ee Soomaaliya , Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa wada-hadal la yeeshay dhiggiisa dalka Kenya,Peter G. Munya.

8/17/2018 7:19 AM EST
Jimco, August, 17, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u joogay dalka Jabuuti ayaa maanta oo Jimca ah u ambabaxay dalka Turkiga, markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa, Recep Tayyip Erdoğan.

8/17/2018 1:49 AM EST
Jimco, August, 17, 2018 (HOL)–Shirkadda National Airways ee fadhigeedu yahay dalka Ethiopian ayaa ku dhawaaqday adeeg duulimaad oo toos ah oo u dhaxeyn doona magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa dhamaadka bishan.

8/17/2018 1:27 AM EST
Jimco, August, 17, 2018 (HOL–Ammin hore oo Khamiistii ah ayeey saraakiil Maraykan ah u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP in la qiyaasayo in qabashada dhoolatus kaas ay ku kici doonto 92 milyan oo doolar.

8/17/2018 1:07 AM EST
Jimco, August, 17, 2018 (HOL)–Kaddib kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xubnaha golaha Wasiirradda Soomaaliya ayaa hay’addaha iyo wasaaraddaha kala duwan ee dowladda lagu amray in ay ixtiraamaan, raacaan kuna dhaqmaan sharciga iibaka qaranka ee dalka u yaalla si qandaraasyada la bixinayo iyo heshiisyada lala gelayo hay’adaha caalamiga ah ay u noqdaan kuwa sharciyaysan oo loo maray hannnaanka saxda ah.