4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 17, 2018
Shirkadda diyaaraddaha National Airways oo bilaabeysa dullimaad toos ah oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Addis Ababa

 

Jimco, August, 17, 2018 (HOL) – Shirkadda National Airways ee fadhigeedu yahay dalka Ethiopian ayaa ku dhawaaqday adeeg duulimaad oo toos ah oo u dhaxeyn doona magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa dhamaadka bishan.

Xusseen Xoosh oo ah madaxa shirkadda oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in diulimaadkan uu noqon doono saddex jeer todobaadka magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa, waxana dulimaadka ugu horeeyay bilaaban doonaa 22 bishan aynu ku jirno ee August.

Duulimaadka shirkadda National Airways  ee labada magaalo Muqdisho iyo Addis Ababa waxaa ka faa’ideysan doona bulshada ku dhaqan labada dal oo arintan ay u fududeyn doonto in ay si dhib yar isugu socdaalaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]