4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 17, 2018
Dhoolatus uu Trump amray oo sannad dib loo dhigay

 

Jimco, August, 17, 2018 (HOL) – Ammin hore oo Khamiistii ah ayeey saraakiil Maraykan ah u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP in la qiyaasayo in qabashada dhoolatus kaas ay ku kici doonto 92 milyan oo doolar.

Ninka madaxda u ah miisaaniyadda dhoolatusyada ayaa soo bandhigay qiyaas lacageed oo gaaraysa 10 ilaa 30 milyan markii uu Aqalka Cad iclaamiyay codsiga arrintaas bishii Feebaraayo.

Qoraal aan rasmi ahayn ayaa wakhtigaas lagu sheegay in aan taangiyo la adeegsan doonin si aan waxyeelo loo gaarsiinin waddooyinka casimadda.

Guddiga maamula magaalada ayaa ka soo horjeedsaday qorshahaas, in aysan raali ka ahayna waxay ku soo qoreen Twitterka.

Xubnaha xisbiga dimuqraadig ayaa sidoo kale ka soo horjeedsaday iyadoo Jim McGovern oo Kongareeska ka tirsan uu ku tilmaamay "mid qaab daran iyo dhaqaale lagu ciyaarayo" isaga oo Twitterka ku soo qoray Trump dhaqankiisu wuxuu u janjeeraa dhanka kali talisnimada badalkii madaxweynenimada".

Wasaaradda gaashaan dhigga ayaa sheegtay in ay qorshaysay in dhoolatusku uu ka billowdo Aqalka Cad ilaa caasimadda, marka dambana lagu soo gabogabeeyo mid culus oo dhanka cirka ah".

Waxaa la qorsheeyay in dhoola tuska ay ka mid noqdaan "gawaarida taayirrada leh oo kali ah.

Warbaahinta Maraykanka ayaa farta ku fiiqday in Donald Trump uu baajiyay dhoolatuskii milatari ee uu Kuuriyada Koonfureed la qaban lahaa bishii Luulyo, ka dib markii uu la kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un isaga oo ku sababeeyay in dhaqaale burburi lahaa la baajinayo.

Milatariga Maraykanka ayaa dhoolatus sameeyay 1991 ka dib markii uu si guul leh ku dhammaaday hawlagalkii ciidammada Ciraaq ee Saddaam Xuseen xoogga looga saarayay Kuwait.

Xigasho/BBC