Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal
Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)- Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo
wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadaneysa ku tagay
Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweynaha oo
si heersare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ayaa qasriga madaxtooyada
dalkaas wadahadallo kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane
Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne
ayaa ka arrinsaday xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, kor u qaadista
iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha
wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Wasiiru Dowlaha
Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed
Cabdi ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu bogaadiyey garab istaagga joogtada ah ee
Madaxda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay u fidiyaan Soomaaliya,
gaar ahaan xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray.
“Madaxweyne
Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti kaalintii uu ka geystay
nabadeynta iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya. Sidoo kale, Dowladda Jabuuti waxa ay
uga mahad-celisay Soomaaliya kaalinta ay ka qaadatay halgankii xorrnimo-doonka
dalkaas.” Ayuu yiri Wasiirku.
Diblumaasiyiinta
Soomaaliya ee qeybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa kulammo la yeeshay
dhiggooda dalka Jabuuti, iyagoona isla meel dhigay sidii loo sii amba-qaadi
lahaa heshiisyada hore ay u kala saxiixdeen labada dal.
Madaxweynaha
waxaa booqashadan ku weheliya, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib u
heshiisiinta iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Boostada iyo
Isgaarsiinta Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo
Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi iyo Wasiiru Dowlaha
Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]