Khamiis, August, 16, 2018 (HOL) –Maxkamada
ciidamada qalabka sida ay xukun ku riday askari lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cumar Cismaan
Yariisoow oo horey uga tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta
27aad ee gobolka Hiiraan.
Yariisoow ayaa ku eedeysan Marxuum Xasan Abshir
Warsame oo ka dhacay magaalada Beladweyne Todobadii bishii February ee
sanadkan, isaga oo wixii xiligaa ka
danbeeyay u soo baxsaday magaalada Muqdisho.
Todobadii bishii July 2018 ayuu isku dayay in uu
iska diiwaan-geliyo dugsiga tababarka Booliska ee General Kaahiye, wuxuuna ku
dadaalayay badalka magaciisa iyo ku biiristiisa ciidamada Booliska, balse
ciidamada oo hayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoo ku
wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida.
Gaashaanle Dhexe Xassan Cabdiraxmaan Aadan
Wabiyow oo ka mid ah Garsoorayasha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada
Qalabka sida ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) go’aankiisa
loo tiiriyay Qiraalkiisa oo ahaa in ay kaga fakatay xabad Marxuumka,
Markaatiyaal goob joog u ahaa dilka weliba cadeeyay in uusan wax gar-gaar ah u
fidin kadib dilka balse uu baxsaday iyo doodii qareenada ee aheyd in loo
naxariisto loona fududeeyo ciqaabta maadaama uu qirsan-yahay, waxa ayna
Garsoorayaasha gaareen in Ex Dable Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu yahay
dambiile galay dambiga lagu soo oogay, sidaasna loogu xukumay dil toogasho ah.
Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow
ayaa sheegay cidii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad inay
u furan tahay racfaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]