3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 15, 2018
Amiirka Qatar oo $15bn ugu deeqay Turkiga kaddib kulan uu la qaatay Erdogan

 

Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Sheikh Tamim Bin Hamad al-Thani Amiirka dalka Qatar ayaa sheegay in ay bar bar taagan yihiin sida uu hadalka u dhigay walaalahooda Turkiga, isaga oo ku dhawaaqay maalgashi dhan $ 15bn oo ay ku sameynayaan Suuqyada iyo Bankiyada dalka Turkiga.

Amiirka ayaa arintan uga dhawaaqay kulan magaalada Ankara uu kula yeeshay madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan.

Turkiga ayaa hadda wajahaya go’doomin dhaqaale kaddib xiisad adag oo soo kala dhax-gashay iyaga iyo dowladda Mareykanka.

Amiirka Qatar ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee booqday caasimada dalka Turkiga ee Ankara tan iyo markii uu soo ifbaxay qalalaasaha dhaqaale ee u dhaxeeya dowladdaha Mareykanka iyo Turkiga.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood Qatar iyo Turkiga.

Amiir Sheikh Tamim ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee ku dhawaaqa in dalkiisu barbar taagan yahay Turkiga oo hadda wajahaya dagaal dhinaca ganacsiga ah oo uga imanaya xukuumadda Washington.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/15/2018 12:52 PM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ah booqanaya Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

8/15/2018 10:59 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay dhaqaaleyahannada Soomaaliyeed ee xubnaha ka ah Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa kala hadlay qorsheyaasha guud ee lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

8/15/2018 9:49 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa soo saaray wareegto uu shaqada kaga joojiyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Minishiibiyo) oo lagu soo eedeeyey masuq-maasuq.

8/15/2018 9:43 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Mudane Axmed Max’ed Islaam Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay....

8/15/2018 7:34 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray Bandhigga Buugaagta oo sanad walba la qabto, iyadoo sanadkan uu noqonayo kiisii Afaraad.

8/15/2018 2:53 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Xildhibaano ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland ayaa sheegay in xeerka kufsiga oo dhowaan ay ansixiyeen golaha Wakiiladdu qodobo ka mid ahi ka hor imanayaan shareecada islaamka, isla markaana ku baaqay in la waafajiyo dastuurka.

8/15/2018 2:28 AM EST
Abrbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Xarunta xuquuqda aadamaha ee Somaliland ayaa sheegay in sagaal maxbuus oo ku jira xabsiga dhexe ee Hargeysa bishan August,4-teedii bilaabeen inay cuntada ka soomaan.

8/15/2018 2:03 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)-Kooxaha gurmadka ayaa xalay oo dhan ku dadaalayay sidii ay dad nool uga soo saari lahaayeen buundadii shalay ku burburtay magaalada Genoa ee dalka Talyaaniga.

8/15/2018 1:16 AM EST
Arbaco August, 15, 2018 (HOL) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa munaasabad casho sharaf ah ugu sameeyey xarunta Dawladda Hoose wafdiga dalka Eritrea ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Cismaan Saalax.

8/15/2018 12:52 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)–Saddex ruux oo Soomaali ah ayaa ku soo baxay doorashada hore ee is reebreebka dalka Mareykanka, waxaana ay Ilhaan Cumar ku soo baxday kursigii uu banneeyay Keith Ellison ee Congress -ka Mareykanka iyada oo ka soo baxday xisbiga Dimuquraadiga.

8/15/2018 12:06 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL) – Ilhaan Omar ayaa ku guulaystay doorashada xisbiga Dumuriqaaadiga ee ka mid noqoshada golaha Aqalka hoose ee Maraykanka, waxayna ku soo baxday codadkii la tiriyey in ka badan 58 % oo ah tiro aad u xoog badan,doorashadaan oo aad u adkayd ayaa ilhaan waxaa la tartamaayey dad hore siyaasada gobolka uga dhex muuqday sida Margarat A. Kellihe afhayeenkii hore ee baarlamaanka Minnesota.