Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo
kulan la qaatay dhaqaaleyahannada Soomaaliyeed ee xubnaha ka ah Guddiga
Dhaqaalaha Qaranka ayaa kala hadlay qorsheyaasha guud ee lagu kobcinayo
dhaqaalaha dalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guddigan ay hortaallo
masuuliyad culus, lagana sugayo in aqoontooda iyo khibraddooda ay ugu
faa’iideeyaan kor-u-qaadista iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, iyadoo la diyaarinayo
siyaasadda dhaqaalaha qaranka iyo qorsheyaal ku qotoma horumarinta kaabeyaasha
dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladdu ku kalsoon
tahay in xubnaha Guddigani ay ka soo dhalaali doonaan shaqooyinka loo igmaday,
maadaama lagu soo xulay aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin dhaqaalaha,
Dowladdu-na ay mudnaanta siineyso talooyinka iyo qorsheyaasha ay soo
diyaarinayaan ee la xiriira kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Xubnaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee uu la kulmay
Madaxweynuhu ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta iyo dhiirrigelinta uu u
sameeyay.
Dhaqaaleyahannadan ayaa ballanqaaday in ay dadaal dheer
ku bixin doonaan sidii ay cilmi-baaris iyo xog ururin uga sameyn lahaayeen
dhaqaalaha dalka, una soo gudbin lahaayeen talooyin wax-ku-ool ah oo kor u
qaadaya ganacsiga iyo heerka nolasha shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha
Dhaqaalaha Qaranka in ay u kuur galaan ganacsiga iyo fursadaha shaqo ee ka jira
dalka, mudnaan gaar ahna ay siiyaan dadka danyarta ah.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]