4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 15, 2018
DAAWO: Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)-
Mudane Axmed Max’ed Islaam Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay safar uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa, isagoo dhinaca kale ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay dowladda dhexe oo ay ugu danbeeysay taliyeyaashii dhawaan lasoo magacaabay.

Madaxweynaha oo ay garoonka kusoo dhaweeyeen Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland, gudoonka Baarlamanka, wasiirro, xildhibaanno iyo ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka uga hadlay arimo kala duwan.

Dowladda ayuu ku eedeeyay in ay hareer mareeyso heshiisyo ay hore ula gashay dowlad goboleedyada, isagoo xusay in loo baahanyahay in tallaabooyinka la qaadayo ee dhanka amniga ah laga talo galiyay madaxda dowlad goboleedyada.

Halkan ka daawo muuqaalka
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.