4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 15, 2018
Golaha Guurtidda Somaliland oo ka hor timid xeer golaha Wakiiladdu ansixiyeen

 

Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Xildhibaano ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland ayaa sheegay in xeerka kufsiga oo dhowaan ay ansixiyeen golaha Wakiiladdu qodobo ka mid ahi ka hor imanayaan shareecada islaamka, islamarkaana ku baaqay in la waafajiyo dastuurka.

Xildhibaanadan golaha Guurtida ayaa ku dooday in golahoodu awood u leeyahay inay ilaaliyaan Diinta, dhaqanka iyo nabadgalyadda, haseyeeshee xeerkan kufsiga lagu saleeyey dhaqankii reer Yurub.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Ilka case oo xeerkan aan la soo marin ka hadlaya waxa uu yidhi “Dastuurkeena waxa uu salkiisu yahay shareecadda islaamka, xeerkan golaha Guurtidda wuu soo maray waajibaadkiisa iyo tallo bixintiisa wuu ka gutay waxaanu ku saleeyey shareecad islaamka, goleyaashu uma shaqeeyaan hay’addo laakiin waxay ku shaqeeyaan rabitaanka shareecaddu islaamku, guurtidu markii uu xeerkan ka doodayey wuxuu iskugu keenay culimadda iyo garsoorayaasha, kuwaas oo waafajisay shareecadda islaamka, sidaas ayaa loogu celiyey golaha wakiiladda, hadii uu wakiiladu wax ku bedel ku sameeyo waxa waajib ah in guurtidda lagu soo celiyo”.

Xildhibaan Dayib Axmed Xasan ayaa isna ku doodaya qodobka awoodda u siiyey in xeerarka la soo mariyo waxa uu yidhi “Qodobka 61 ee dastuurka qaranka wuxu sheegayaa awooda golaha guurtidda oo ah dajinta xeerarka ku saabsan diinta, dhaqanka iyo nabadgalyadda, gaar buu dastuurku noo siiyey, iyo dib u eegista xeerarka uu golaha wakiiladdu soo ansixiyaan. Xeer kasta Waa in uu anaga na soo maro oo anagu u gudbinaa madaxweynaha”

Xildhibaan CabdirixiinSheekh Cumar fure ayaa sheegay in xeerkan qodobo badan oo shareecada ka hor imanayaa ku jiro, waxaanu madaxweynaha ugu baaqay in xeerkaasi dib loo soo celiyo si loo waafajiyo shareecada islaamka.

Xeerkan kufsiga waxaa dabadaka riixayey ururadda haweenka ee xuquuqda dumarka u doodda, kuwaas oo si weyn usoo dhoweeyey meel marinta xeerkan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland