4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 15, 2018
Xarunta Xuquuqda aadamaha Somaliland oo ka hadashay Maxaabiis cuntaddii ka soomay

 

Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Xarunta xuquuqda aadamaha ee Somaliland ayaa sheegay in sagaal maxbuus oo ku jira xabsiga dhexe ee Hargeysa bishan August,4-teedii bilaabeen inay cuntada ka soomaan.

Maxaabiistan ayaa u xidhnaa arrimo argagixiso, hasse ahaatee waxaa ay sheegeen inay  ka dhamaatay mudadii lagu xumay, inkastoo xafiiska xeer ilaalintu ku dooday in aanu mudadoodu ka dhamaan.

“bishan August,4,2018 kii sagaal maxaabiis ah oo ku jiray xabsiga dhexe ee Hargeysa ayaa bilaabay inay cuntadii ka soomaan, waxaana maxaabiistan loo xidhay eedo la xidhiidha “argagixiso” waxay ku doodayaan in mudadii xadhigoodu uu ka dhamaaday. Xafiiska Xeer-ilaalintu wuxuu ku doodaysaa inaanu ka dhamaan.”ayaa lagu yidhi qoraal uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha xarunta Xuquuqda aadamaha GUuleed Axmed Jaamac.

Waxaanu intaas ku daray “Taariikhdu markay ahayd 31 May 2007 waxa madaxwaynihii hore ee Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin uu saamaxad uu fidiyay 14 maxbuus oo uu hoos u dhigay mudadii lagu xukumay. Laba ka mid ah markii xabsigu ka dhamaaday waa la sii daayay. 12 November 2008 ayuu madaxwaynuhu soo saaray qoraal kale oo uu ku sheegay inuu ka noqday saamaxadii, kadib markii qaraxyo ka dhaceen Somaliland 29th October 2008.

Qaareenada maxaabiistu waxay ku doodayaan inaan madaxwaynuhu awood sharci u lahayn inuu ka noqdo saamaxaad uu bixiyay sidaas darteed aanay dhaqangal ahayn ka noqoshadu. Waxaay markaas qabaan in mudada xabsi haynta loo raacayo saamaxaadda madaxwaynaha. Murankaas kadib, Sgaal maxbuus ayaa cunto ka soomis bilaabay.”

Xaruntan ayaa sheegtay in Laba ka mid ah maxaabiista cuntada ka soonta marka horeba ay xanuunsanayeen. Cunto ka soomistuna ay uga sii dari karto, sida eheladoodu u sheegeen Xarunta Xuquuqal Insaanka.

“Sagaalkii August 2018 Xarunta Xuquuqal Insaanka, Ururka Qareenada ee Somaliland iyo ururka COMPAD waxaay u qoreen qoraal codsi ah Wasiirka Caddaaladda si loogu ogolaado inay la kulmaan maxaabiista cuntada ka soontay. Ilaa hada ogolaanshahaas lama bixin. Xarunta Xuquuqal Insaanku dhawr jeer ayay booqatay xabsiga balse looma ogolaan inay aragto maxaabiista cuntada ka soontay.

Xubno ka tirsan qoysaska maxabiista, qareenkooda oo ah Maxamed Axmed Abokor iyo sarkaal dawladeed oo la hadlay Xarunta Xuquuqal Insaanka waxay sheegeen in weli maxaabiistaasi cuntada ka sooman yihiin. Qareen-ku wuxuu sheegay in xaaladoodu ka sii dartay dhinaca caafimaadka.”ayaa warbixinta lagu yidhi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.