Munaasabad soo dhaweyn ah oo loo qabtay wafdiga Eritrea ee ku sugan magaalada Muqdisho
Arbaco, August, 15, 2018
(HOL) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar
Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa munaasabad casho sharaf ah ugu sameeyey xarunta Dawladda
Hoose wafdiga dalka Eritrea ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda
dalkaas Cismaan Saalax.
Marti sharafkan oo uu goob jog
ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Mahad Maxamed Guuleed, ayaa qaar ka mid ah kooxo faneedka qaranku waxa ay u soo
bandhigeen wafdiga dalka Eritrea suugaan ka tarjumeysa hiddaha iyo dhaqanka
soojireenka ah ee shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
ayaa ka warbixiyey taariikhda magaalada Muqdisho ay u leedahay soo dhaweynta
iyo marti gelinta Madaxda caalamiga ah ee booqashada ku yimaada Soomaaliya,
isagoona sheegay in munaasabaddan ay ka tarjumeyso dib-u-kabashada dalka iyo
sida uu u soo kobcayo amniga Caasimadda.
“Magaalada Muqdisho waxa ay
astaan u tahay dawladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaiyeed. Dhammaanteen
waxaan xasuusannahay sida ay ugu soo hiran jireen Madaxda Afrika iyo guud ahaan
caalamka, maantana waxaa muuqata ifafaallo ku saabsan in maqaamkaasi uu u soo
laabanayo caasimadda.”
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha
Dibadda dalka Eritrea Mudane Cismaan Saalax ayaa uga mahad celiyey Duqa
Caasimadda soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna
sheegay in uu ku faraxsan yahay sida ay Soomaaliya uga soo kabaneyso bur burkii
ku dhacay.
Sidoo kale, Wasiirka dalka
Eritrea ayaa tilmaamay xiriirka ka dhaxeeya labada shacab iyo sida ay dhaqan
wadaagta u yihiin, isagoo u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed horumar iyo barwaqo.
Munaasabaddan marti
sharafeedka ah waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Wasiirrada Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya ee Arrimaha Dibadda, Cadaallada, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha,
Gaadiidka, Gargaarka iyo Musiibooyinka Dabiiciga ah, Wasiiru Dawleyaal, Xildhibaanno
ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida,
Guddoomiyeyaasha heer degmo iyo heer Gobol ee Banaadir iyo marti-sharaf kale.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]