3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2018
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo laga dalbaday in ay ilaaliyaan xuquuqda aadanaha

 

Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdi Wali Xuseen 'Gorod', ayaa ku amray ciidamada qalabka sida in ay u hogasamaan sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha inta ay socdaan howlgalada militari

Taliyaha ayaa uga digay in askarigu ciqaab ku mudan doono diidmada sharcigan ilaalinaya xaquuqda qofka bani’aadamka. Isaga oo dhinaca kalana u qeybiyay "Xeerka Anshaxa ee loogu talagalay ciidamada.

Xeerkan ayaa ilaalin doona islamarkaana xakameynaya dhaqanka ciidamada waqtiyada  colaadaha iyo sida loola macaamilayo dadka aan hubeysneyn ee rayidka ah.

"Marka aad rabto inaad ilaaliso ammaanka oo aad la dagaalanto mucaaradka (Al-Shabaab), waxaa jira sharciyo caalami ah oo la ilaaliyo" ayuu yiri Gen. Cabdiweli oo uga digay la baalmaro shurucda isaga oo sheegay in Diinta Islaamku qabto in dadka la nabad-galyo.

Kulanka lagu soo bandhigayay shuruucda ay tahay in ay ciidamada dhow-raan sidoo kale waxaa joogay saraakiil ka tirsan ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM.

Ciidamada dowladda ayaa loo jeediyaa waqtiyada ay socdaan dagaallada in aysan kala soocin kooxaha ka soo horjeeda iyo dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaannada ay dagaalladu ka jiraan, marar badan oo hore-na waxaa lagu eedeeyay in ay si ula kac ah u laayeen dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/14/2018 3:12 PM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Laamaha ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo u diiday in ay kazoo baxaan laba sarkaal oo ay dowladda Soomaaliya usoo magacowday hogaanka nabadsugidda Jubbaland.

8/14/2018 2:46 PM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa maanta weerar ku qaaday fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Basra oo ah marin isku xira labada Shabeelle.

8/14/2018 11:07 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Baarlamaanka Puntland oo Talaadada maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntiisa magaalada Garoowe ayaa go'aan ka gaaray nooca doorashada ee Puntland ka dhici doonta marka la gaaro sannadka 2019.

8/14/2018 7:04 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaliya lagu waramayaa in ay gacanta ku dhigaan rag hubeysan oo weerar ku soo qaaday fariisin ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Calamada ee gobolka Shabeellaha Hoose sida lagu daabacay warbaahinta dowladda.

8/14/2018 5:31 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Saraakiisha Booliiska London ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay qof waday gaari la sheegay in lagu weeraray goob laga ilaaliyo amaanka ilinka hore ee xarunta baarlamaanka dalka Britain abaare saacadu markey aheyd 7.37am (06:37 GMT),

8/14/2018 2:53 AM EST
Talaado, August,14, 2018 (HOL)–Wasiirka wasaarradda arrimaha dibedda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku howlan tahay sida uu hadalka u dhigay in ay dhax-dhaxaadiso dowladdaha Eritrea iyo Jabuuti.

8/14/2018 2:27 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Hawlgalka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya UNSOM iyo Xafiiska wakiilka sare ee xuquuqda aadanaha ayaa shalay oo Isniin aheyd ku baaqay in la qaado tallaabooyin looga hortagayo inay xad gudubyo ka dhacaan doorashada soo socota, kuwaasi oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

8/14/2018 1:32 AM EST
Talaado, August,14, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo mar kale ka hadlay xaalada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xalinta xiisadaa loo maro wada-tashi nabadeed.

8/14/2018 12:54 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Tan iyo markii la magaacabay ra’iisal wasaaare Abiy Ahmed oo ah hogaamiye da’yar oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada guud ahaanba dalka Itoobiya iyo Geeska Africa waxaa ka curtay is badallo waaweyn oo siyaasadeed oo si lama filaan ah u dhacayay.

8/14/2018 12:10 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)-Talaabooyinka lagu doonayay in lagu qaboojiyo qalalaasaha dhaqaalaha ee Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in uu guul daraystay iyada oo suuqyada ay aad u sabaynayaan.