11/21/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2018
Wasiir Cawad : Madaxda dalka wey ku howlan yihiin sidii loo dhameyn lahaa khilaafka Eritrea iyo Jabuuti


 

Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Wasiirka wasaarradda arrimaha dibedda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku howlan tahay sida uu hadalka u dhigay in ay dhax-dhaxaadiso dowladdaha Eritrea iyo Jabuuti.

Shalay waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wasiirka arrimaha dibedda Eritrea Cismaan Saalax iyo wafdi uu horkacayo oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxda ugu sareysa dalka, gaar ahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mar uu wasiirka arrimaha dibedda Soomaliya ka hadlayay booqashada wafdiga Eritrea ayuu sheegay in ay jawaab u tahay safarkii uu dhawaan madaxweyne Farmaajo ku tagay magaalada Asmara iyo xoojinta xiriirka labada dowladdood.

Dhinaca kale, wasiirka oo la hadlay warbaahinta gudaha kana jawaabayay su’aal aheyn walaaca Jabuuti ay ka qabto xiriirka Soomaaliya ee Eritrea ayuu sheegay madaxda dowladdu ku howlan yihiin sidii loo wada hadashiin lahaa labada dowladood Jabuuti iyo Eritrea.

‘’Markii uu tagay Asmara madaxweyna-heennu wax waay-bihii uu kala hadlay Eritrea waxaa ka mid ahaa waxa ay tabanayaan walaalaheenna Jabuuti, waxaana socda daallo ay ku howlan yihiin madaxda ugu sareysa dalka oo ah sidii loo dhameyn lahaa khilaaf labada dhinac’’ ayuu yiri Wasiirka.

Dowladda Jabuuti ayaa walaac xoog leh ka muujisay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka sheegay Asmara ee ahaa in laga qaado Eritrea cunaqabateynta saaran, iyadoo Jabuuti iyo Eritrea ay dhex taalo xiisad ka dhalatay muran dhinaca xudduuda ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
8/14/2018 3:12 PM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Laamaha ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo u diiday in ay kazoo baxaan laba sarkaal oo ay dowladda Soomaaliya usoo magacowday hogaanka nabadsugidda Jubbaland.

8/14/2018 2:46 PM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa maanta weerar ku qaaday fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Basra oo ah marin isku xira labada Shabeelle.

8/14/2018 11:07 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Baarlamaanka Puntland oo Talaadada maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntiisa magaalada Garoowe ayaa go'aan ka gaaray nooca doorashada ee Puntland ka dhici doonta marka la gaaro sannadka 2019.

8/14/2018 9:09 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdi Wali Xuseen 'Gorod', ayaa ku amray ciidamada qalabka sida in ay u hogasamaan sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha inta ay socdaan howlgalada militari

8/14/2018 7:04 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaliya lagu waramayaa in ay gacanta ku dhigaan rag hubeysan oo weerar ku soo qaaday fariisin ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Calamada ee gobolka Shabeellaha Hoose sida lagu daabacay warbaahinta dowladda.

8/14/2018 5:31 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Saraakiisha Booliiska London ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay qof waday gaari la sheegay in lagu weeraray goob laga ilaaliyo amaanka ilinka hore ee xarunta baarlamaanka dalka Britain abaare saacadu markey aheyd 7.37am (06:37 GMT),

8/14/2018 2:27 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Hawlgalka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya UNSOM iyo Xafiiska wakiilka sare ee xuquuqda aadanaha ayaa shalay oo Isniin aheyd ku baaqay in la qaado tallaabooyin looga hortagayo inay xad gudubyo ka dhacaan doorashada soo socota, kuwaasi oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

8/14/2018 1:32 AM EST
Talaado, August,14, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo mar kale ka hadlay xaalada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xalinta xiisadaa loo maro wada-tashi nabadeed.

8/14/2018 12:54 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Tan iyo markii la magaacabay ra’iisal wasaaare Abiy Ahmed oo ah hogaamiye da’yar oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada guud ahaanba dalka Itoobiya iyo Geeska Africa waxaa ka curtay is badallo waaweyn oo siyaasadeed oo si lama filaan ah u dhacayay.

8/14/2018 12:10 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)-Talaabooyinka lagu doonayay in lagu qaboojiyo qalalaasaha dhaqaalaha ee Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in uu guul daraystay iyada oo suuqyada ay aad u sabaynayaan.