3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2018
Isbadalka Itoobiya iyo saameynta dowlad deegaanka Soomaalida

 

Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Tan iyo markii la magaacabay ra’iisal wasaaare Abiy Ahmed oo ah hogaamiye da’yar oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada guud ahaanba dalka Itoobiya iyo Geeska Africa waxaa ka curtay is badallo waaweyn oo siyaasadeed oo si lama filaan ah u dhacayay.

Isbadalladaasi kama uusan baxsan deegaanka Soomaalida Itoobiya oo waxaa saameeysay dabeysha siyaasadeed ee la soctay magacaabistii ra’iisal wasaare Abiye, taasoo keentay in uu  meesha ka baxo madaxweynihii muddada dheer ka ariminayay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo u muuqday shaqsi la jaan-qaadi waayay doonista xukuumadda cusub ee Itoobiya.

Jigjiga waxaa horaantii bishan gudaha u galay oo gabi ahaanba la wareegay ciidamada federaalka Itoobiya, iyaga oo markii danbe qabtay Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda wali ku jira gacanta hay’addaha amniga.

Rabshado ka dhashay isbadalka ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ku dhitay 29 ruux, dad badan ayaa barakacay, waxaa la boobay hantid dadweyne, xarumo iyo guryo ayaa dab la qabad-siiyay, sidoo kala-na waxaa la gubay Kaniisado sida ay sheegeen wax –garadka deegaanka.

Intaa oo dhan waxaa bar bar soctay colaada labada Qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada oo aan xal loo helin, gaar ahaan dhinaca xudduudaha ay wadaagaan labada Qowmiyadood oo ay xiisad ka taagan tahay.

Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa u muuqata mid ku dadaaleysa in xaalada loogu soo celin lahaa sidii hore lana dajiyo xiisada ka jirta dowlad deegaanka kaddib kulamo magaalada Addis Ababa ay ku yeesheen xubno ka socday golaha dhexe ee xisbiga hogaamiya dowlad deegaanka  iyo saraaakiil ka tirsan dowladda dhexe ee Itoobiya.

Kulamadaas waxaa ka soo dhax-baxay ugu danbeyntii in hogaamiyaha xisbiga Dimuqoraadiga Soomalida Itoobiya loo doorto Axmed Shide oo ah wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya si gaar ah-na ugu dhaw ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Dadka ku dhaqan deegaanka Ismaamulka Soomaalida ayaa u arka isbadalka ka curtay Itoobiya mid iyaga si kale saameeyay madaama ay dad badani ku dhinteen, hanti-na ku bur burtay, balse haddana qaar ka mid ah odayaasha iyo wax-garadka deegaanka ayaa qaba in taallaabadan loo baahnaa in mar hore-ba la qaado si loo soo afjaro wax ay ku tilmaameen siyaasada gaamurtay ee madax-weynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar uu ku maamulayay deegaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
8/14/2018 3:12 PM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Laamaha ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo u diiday in ay kazoo baxaan laba sarkaal oo ay dowladda Soomaaliya usoo magacowday hogaanka nabadsugidda Jubbaland.

8/14/2018 2:46 PM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa maanta weerar ku qaaday fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Basra oo ah marin isku xira labada Shabeelle.

8/14/2018 11:07 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Baarlamaanka Puntland oo Talaadada maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntiisa magaalada Garoowe ayaa go'aan ka gaaray nooca doorashada ee Puntland ka dhici doonta marka la gaaro sannadka 2019.

8/14/2018 9:09 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdi Wali Xuseen 'Gorod', ayaa ku amray ciidamada qalabka sida in ay u hogasamaan sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha inta ay socdaan howlgalada militari

8/14/2018 7:04 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaliya lagu waramayaa in ay gacanta ku dhigaan rag hubeysan oo weerar ku soo qaaday fariisin ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Calamada ee gobolka Shabeellaha Hoose sida lagu daabacay warbaahinta dowladda.

8/14/2018 5:31 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Saraakiisha Booliiska London ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay qof waday gaari la sheegay in lagu weeraray goob laga ilaaliyo amaanka ilinka hore ee xarunta baarlamaanka dalka Britain abaare saacadu markey aheyd 7.37am (06:37 GMT),

8/14/2018 2:53 AM EST
Talaado, August,14, 2018 (HOL)–Wasiirka wasaarradda arrimaha dibedda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku howlan tahay sida uu hadalka u dhigay in ay dhax-dhaxaadiso dowladdaha Eritrea iyo Jabuuti.

8/14/2018 2:27 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Hawlgalka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya UNSOM iyo Xafiiska wakiilka sare ee xuquuqda aadanaha ayaa shalay oo Isniin aheyd ku baaqay in la qaado tallaabooyin looga hortagayo inay xad gudubyo ka dhacaan doorashada soo socota, kuwaasi oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

8/14/2018 1:32 AM EST
Talaado, August,14, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo mar kale ka hadlay xaalada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xalinta xiisadaa loo maro wada-tashi nabadeed.

8/14/2018 12:10 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)-Talaabooyinka lagu doonayay in lagu qaboojiyo qalalaasaha dhaqaalaha ee Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in uu guul daraystay iyada oo suuqyada ay aad u sabaynayaan.