3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2018
Turkiga oo sheegay in Mareykanku dhabarka ka toogtay

 

Talaado, August, 14, 2018 (HOL) - Talaabooyinka lagu doonayay in lagu qaboojiyo qalalaasaha dhaqaalaha ee Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in uu guul daraystay iyada oo suuqyada ay aad u sabaynayaan.

Waxaa kale oo meel xun maraya muranka ka dhaxeeya Maraykanka iyo Turkiga, iyada oo madaxweyne Erdogan uu Maraykanka ku eedeeyay in uu "Dhabarka naga toogtay" waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maraykanka ayaa todobaadkii hore Turkiga kusoo rogay cunaqabatayn kadib markii dowladda Turkiga ay diiday in ay celiso baadari Maraykan ah oo lagu hayo dalka Turkiga.

Cunaqabataynta kadib, suuqyada ayaa aad u sabeeyay, islamarkaasna qalqal u sameeyay. Bangiga Dhexe ee Turkiga oo isku dayay in uu wax ka qabto arrimaha suuqa ayaa ku guul daraystay.

Erdogan oo ka hadlayay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Ankara ayuu yiri "Dhinac waxaad ka muujinaysaan in aad tihiin garab noo haya iskaashi istaraatiiji ah, dhanka kalena xabbad ayaad kor noogu rideysaan".

"Waxaan iskula jirnaa NATO, dhanka kale dhabarka ayaa toori naga galinaysaan" ayuu yiri Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa qaba in sicir bararka ka dhacaya Turkiga ay ugu wacanyihiin shirqoolo uu sheegay in loo maleegayo dalkiisa, ee aysan ahayn xaalado dhaqaale xumo oo rasmi ah oo soo wajahay Turkiga.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ay tallaabooyin sharciga waafaqsan ka qaadayso 346 ciwaan oo baraha bulshada ah oo lasoo dhigay qoraalo looga hadlayo arrimaha sicir bararka.

Turkiga iyo Maraykanka waxa ay isku hayaan baadariga diinta masiixiga Andrew Brunson oo illaa 2016-kii ku xiran Turkiga, isaga oo ku eedeysan xiriir uu la yeeshay kooxaha Kurdiga iyo Gulen ee uu hoggaamiyo waddaadka Fatxullaah Gulen oo ku nool Pennysylvania, Maraykanka.

Taageerada uu Maraykanka siiyo kooxaha Kurdiga ee la dagaalama Daacishta Suuriya ayaa ah arrin kale oo Turkiga uu ku qoomay Maraykanka.

Arrinta ah isu dhowaanshaha Turkiga iyo Ruushka ayaa ahayd arrin uu Maraykanka jecleysan.

Labada dalka ee Turkiga iyo Maraykanka waxa ay ku wada jiraan gaashaanbuurta NATO, waxaana Turkiga ka furan saldhigga Incirlik ee xagga cirka oo NATO ay ka fuliso hawlgalada ka dhanka ah Daacish, waxaan jira culeesyo gudaha oo isa soo taraya oo Erdogan loogu baaqayo in uu xiro saldhiggaas.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa canshuuro dheeraad ah kusoo rogay birta Turkiga u dhoofiyo Maraykanka kadib markii Turkiga diiday wareejinta baadariga.

Lacagta Turkiga ayaa hoos u dhacday 20% qiimihii looga kala sarifan jiray doolarka. waxaa kale oo dhacday in suuqyada ay sabeeyeen.

Xigasho/BBC













Click here
8/14/2018 3:12 PM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Laamaha ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo u diiday in ay kazoo baxaan laba sarkaal oo ay dowladda Soomaaliya usoo magacowday hogaanka nabadsugidda Jubbaland.

8/14/2018 2:46 PM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa maanta weerar ku qaaday fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Basra oo ah marin isku xira labada Shabeelle.

8/14/2018 11:07 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Baarlamaanka Puntland oo Talaadada maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntiisa magaalada Garoowe ayaa go'aan ka gaaray nooca doorashada ee Puntland ka dhici doonta marka la gaaro sannadka 2019.

8/14/2018 9:09 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdi Wali Xuseen 'Gorod', ayaa ku amray ciidamada qalabka sida in ay u hogasamaan sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha inta ay socdaan howlgalada militari

8/14/2018 7:04 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaliya lagu waramayaa in ay gacanta ku dhigaan rag hubeysan oo weerar ku soo qaaday fariisin ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Calamada ee gobolka Shabeellaha Hoose sida lagu daabacay warbaahinta dowladda.

8/14/2018 5:31 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Saraakiisha Booliiska London ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay qof waday gaari la sheegay in lagu weeraray goob laga ilaaliyo amaanka ilinka hore ee xarunta baarlamaanka dalka Britain abaare saacadu markey aheyd 7.37am (06:37 GMT),

8/14/2018 2:53 AM EST
Talaado, August,14, 2018 (HOL)–Wasiirka wasaarradda arrimaha dibedda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku howlan tahay sida uu hadalka u dhigay in ay dhax-dhaxaadiso dowladdaha Eritrea iyo Jabuuti.

8/14/2018 2:27 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Hawlgalka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya UNSOM iyo Xafiiska wakiilka sare ee xuquuqda aadanaha ayaa shalay oo Isniin aheyd ku baaqay in la qaado tallaabooyin looga hortagayo inay xad gudubyo ka dhacaan doorashada soo socota, kuwaasi oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

8/14/2018 1:32 AM EST
Talaado, August,14, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo mar kale ka hadlay xaalada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xalinta xiisadaa loo maro wada-tashi nabadeed.

8/14/2018 12:54 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Tan iyo markii la magaacabay ra’iisal wasaaare Abiy Ahmed oo ah hogaamiye da’yar oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada guud ahaanba dalka Itoobiya iyo Geeska Africa waxaa ka curtay is badallo waaweyn oo siyaasadeed oo si lama filaan ah u dhacayay.