Isniin, August,
13, 2018 (HOL)– Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ereteriya Cusmaan Saalax
iyo Lataliyaha Madaxweynaha Ereteriya Mudane Yemane Gebreab oo maanta soo gaaray
magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Socdaalkan wafdiga Ereteriya ku soo gaareen magaalada
Muqdisho ayaa daba socda safarkii uu Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu
hoggaaminayay ay ku tageen magaalada Asmara dabayaaqadii bishii hore, halkaas
oo ay labada Madaxweyne ku kala saxiixdeen heshiis lagu dardargelinayo
iskaashiga labada dal.
Qodobbadii ay labada Madaxweyne ku heshiiyeen waxaa kamid
ahaa in labada dal ay si rasmi ah u yeeshaan xiriir dibloomaasiyadeed oo
asaaskiisu yahay in la isweydaarsado safaarado iyo dibloomaasiyiin iyo in laga
shaqeeyo, lana dhammaystiro hirgelinta qorshaha isdhexgalka dhaqaale ee Geeska
Afrika.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey wafdiga socdaalka ay ku yimaaddeen Muqdisho,
waxa uuna xusay mudnaanta uu iskaashigu u leeyahay horumarka Gobolka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in
dalalka Geeska Afrika aanay sinnaba u kala maarmi karin maadaama oo ay dano
badan isaga xiran yihiin, wuxuuna ballanqaaday in dawladdiisu ay ka shaqaynayso
sidii iskaashi buuxa u dhexmari lahaa dalalka Geeska Afrika.
Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ka go’an soo celinta
maqaamkii ay Soomaaliya ku lahayd Geeska Afrika, waxayna diyaar u tahay inay
door weyn ka qaadato iskaashiga dhinacyada isdhexgelka dhaqaale, bulsho, iyo
amni oo dhexmara dalalka Geeska Afrika.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]