3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2018
Baaq iyo Tacsi loo dirayo reer Buuhoodle


Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Qaar amid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen uga hadlay dhacdo dil ah oo dhawaan loo geystay Ganacsato iyo aqoonyahan reer Buuhoodle ah kuwaas oo sida ay sheegeen ka mid ah dadka isbadalka Horumarineed ka waday deegaanadaasi.

Waxay ugu horeyn ka Tacsiyadeeyeen dhimashada laba masuul oo ganacato iyo aqoonyahanba ahaa oo dhawaan lagu dilay Buuhoodle kuwaas ooo lagu magacabi jiray, Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifatax maxamed Cali, waxayna sidoo kale fariin dhinacyo baddan taabanaysay u direen shacabka goboladdaasi oo ay ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan Amniga iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed ee deegaamadaasi si looga dheeraado in ay dhacdooyinka noocaasi ah soo laabtaan.

Aqoon-yahanka,Ganacsatada, iyo shacabka reer Buuhoodle ayay ka codsadeen in isku meel looga soo jeesto cid walba oo caqabad ku noqon karta Amniga deegaamadooda si meesha looga saaro cabsi iyo in la shaki galiyo dagananshaha magaalooyinkaasi oo horumar dhinaca dhismaha Ganacsiga iyo is dhexgalkaba ah uu ka jiray.

Waxa ay xuseen in Alle uu la xisaabtamayo cid walba oo si qarsoodiya ku disha Haldoorka Soomaaliyeed balse ay jirto laba mar oo lala xisaabtami doono taas oo ah inta dunida la joogo oo kuwa dilalka noocan ah geysta aan laga hari doonin lalana xisaabtami doono iyo in alle uu ka abaal marinayo dhimashada kadib, waxaa ay Tacsi xanuun baddan u direen, waalidiintii,caruurtii, xaasaskii, saxiibadii, qoysaskii, iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/13/2018 2:14 PM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Sida uu warbaahinta sheegay dhakhtarka fuliyay qalinkan oo lagu magacaabo Axmed Abdel Jelel haweeneyd ayeey dhibaatada xannuunkani heysatay muddo ka badan 10 sano.

8/13/2018 1:02 PM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Puntland ayaa fartay hay'adaha ammaanka in gacanta lagu dhigo hanti iyo gaadiid kasta oo lala soo goostay lagana leeyahay dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo guud ahaan Itoobiya.

8/13/2018 12:55 PM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)–Deegaanka Cali Buuleey oo qiyaastii 30 km dhanka xuduudda Kenya ka xiga deegaanka Dhoobleey ee gobolka J/hoose ayaa lagu soo warmaayaa in ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay ku gubeen xarun ay halkaasi ku lahayd shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud.

8/13/2018 11:03 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynihii hore ee Kililka shanaad ku eedeeyey inuu tacadiyo ka sameeyeen deegaanka, isla markaana ugu baaqay in dhulka cadaalad lagu maamulo, maadaama oo shantii soomaaliyeedba deegaanka ku wada nool yihiin.

8/13/2018 9:45 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ereteriya Cusmaan Saalax iyo Lataliyaha Madaxweynaha Ereteriya Mudane Yemane Gebreab oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

8/13/2018 8:02 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Qof u dhashay dalka Taiwan oo dalxiise ahaa ayaa lagu so waramayaa in uu dhintay kaddib markii ay qaniintay jeer xili uu sawirro isaga qaaday meel xeebra Naivasha dalka Kenya.

8/13/2018 3:09 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)-Wafdi heer sare oo uu horkacayo wasiirka arrimaha dibedda Eritrea ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

8/13/2018 2:30 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Koox gurmadka qaabilsan oo reer Yurub ah ayaa sheegtay in muhaajiriin ku xannibnaa badda Mediterraneanku ay u sheegeen in 5 markab ay iyaga iska dhaafeen oo diideen inay caawiyaan, ilaa markii kooxdani ay ugu dambeyn soo badbaadisay maalintii Jimcihii.

8/13/2018 2:03 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabada lagu maamuusayay 12ka August oo ku beegan maalinta dhalinyaradda aduunka ayaa u digay mas’uuliyiinta dowladda eek u kacaya musuq-maasuqa.

8/13/2018 1:42 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)–Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in ay qaadayso tallaabo ay ku dajinayso suuqyada ka dib markii qiimaha lacqagtoodu uu meeshii ugu hoosaysay ka gaaray suuqyada saamiyada ee Aasiya.

8/13/2018 1:32 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)–Wafdi heer sare ah oo ka socda Ururka hubeysan ee ONLF ay xalay ka degan magaalada Addis Ababa ee dalka.

8/13/2018 12:54 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL) – Iyadoo shalay ay ku beegneyd 12 August maalinta dhalinyaradda aduunka ayaa dhinaca kale degmada War-Dheegley ee gobolka Banaadir waxaa lagu qabtay munasabad lagu soo xiray gabdho Soomaaliyeed oo la baray xirfado ay ku shaqeystaan sida qorista Af-Soomaaliga, Xisaab iyo Kambiyuutar sida ay Hiiraan Online u sheegeen howlwadeennada tababarka.

8/13/2018 12:30 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qayb galay xuska maalinta dhallinyarada aduunka (Agoosto 12) ayaa 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed u sameeyay ballan qaad shaqo.