4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2018
Wafdi ka socda ONLF oo gaaray magaalada Addis Ababa

 

Isniin, August, 13, 2018 (HOL) – Wafdi heer sare ah oo ka socda Ururka hubeysan ee ONLF ay xalay ka degan magaalada Addis Ababa ee dalka.

Wafdiga oo uu hoggaaminayey afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Cabdulqaadir waxaa ay ka kooban yihiin 3 xubnood oo sare.

Wafdiga waxaa gigada diyaaradaha caaliga ee Bole ku soo dhaweeyey wasiiru dowlaha xafiiska arrimaha isgaarsiinta dawladda Itoobiya kaasaahun Gofe.

Caddaani oo ka warramaya sababta keentay iney dalka yimaaddaan ay tahay mid ay kaga jawaabayaan baaqa uu u soo jeediyey ra'isal wasaare Dr Abiy Axmed.

Sida oo kalana wakhti xaadirkan xaaladda deegaanka soomaalida uu ku sugan yahay sidi wax looga qaban lahana iney si degdeg ah lku yimaaddeen.

Wuxuuna intaa ku daray laga billaabo maanta in ay jabhaddu xabbad joojin iskeed ay ugu dhawaaqday maadaamaa ay dooneyso iney gobolka xabbad dambe ka dhicin oo deegaanka soomaalidana xal waara looga gaara.

Dawladda Itoobiyana tallaabbooyin dhowr ah maadamaa ay u qaadday wax ka qabashada dhibaatooyinka xuquuqda aadanaha Jabhadda ONLF oo dadaalladaasi socda tixgelineysa waxaa ay go'aansatay iney dalka timaaddoo oo ay halgankeeda si nabad galya ah u waddo.

Wasiiru dowlaha xafiiska arrimaha isgaarsiinta dawladda Itoobiya Kaasaahun Gofe wuxuu isna sheegay iney xisbiya badan oo mucaarad ah ahaa ay dalka yimaaddeen.

Dawladduna waxay dadaal adag ugu jirtaa wax kasta oo ay jabhadaha iyo ururrada siyaasadeed ee mucaaradkaba ahba waxa ay ka biya diidsan yihiin ay si kama dambeys ah wax uga qaban lahayd taageera walbana ay dhanka dawladda diyaar la tahay.

Golaha wakiillada shacabka oo horay Jabhadda ONLF u aqoonsaday inuu ka mid yahay ururrada argagixisada wuxuu ka tiray liiska aragagixisada wuxuu baarlamaanka uu Jabhadda ONLF uu u aqoonsaday iney tahay jabhad xaq u dirir ah oo halgan ku jirto. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]