Isniin, August, 13, 2018 (HOL)
– Iyadoo shalay ay ku beegneyd 12 August maalinta dhalinyaradda aduunka ayaa
dhinaca kale degmada War-Dheegley ee gobolka Banaadir waxaa lagu qabtay
munasabad lagu soo xiray gabdho Soomaaliyeed oo la baray xirfado ay ku
shaqeystaan sida qorista Af-Soomaaliga, Xisaab
iyo Kambiyuutar sida ay Hiiraan Online u sheegeen howlwadeennada tababarka.
.Tababarkaan Noocaan waxaa Hir-geliyey xarunta
kobcinta iyo horumarinta Haweenka ee Bil Khayr (Bil Khayr Women Empowerment Training Center), waxaana ugu
horreyntii ka hadlay xafladda maamulaha xarunta Bil Khayr. Canab Maxamuud
Maxamed (Canab Jeega Xiir)
soo dhaweyn ka dib waxaa ay ku dheeraatay qaabkii uu ku billowday
tababarkan.
“Markaan aragnay baahida weyn
ee dhinaca aqoon la'aanta ah ee haysta gabdhaha Soomaaliyeed ayaa
go’aansanay in aan aqoonteena uga Faaiideyno haweenka
Soomaaliyeed oo la daala dhacaya shaqooyin iyo Aqoondaro ,“ ayay tiri
Canab.
Waxay intaas
raacisey “Waxaan xarunta ka qalin-jabinaya Gabdho fara badan
oo aan barney Af-Soomaaliga, xisaabta & Kambiyuutarka, qaybo ka mid ah
Gabdhahaas waxay barteen Kambiyuutar, kuwa kalena waxay barteen
Af-Soomaaliga iyo Xisbaabta.”
Xafladaas Xiritaanka waxaa ka
hadley gddoomiyaha ururka haweenka Qaranka, Butuulo Sh. Axmed Gaballe oo u
mahad-celisay intii tababarkaan isku soo duba-ridday, gaar ahaan Xarunta Bil
Khayr, iyadoo xustay in ururka haweenka Qaranka ay aad ugu farxeen in wax la
baro Gabdho Soomaaliyeed
Mid ka mid ah gabdhihii
tababarkaas uu u dhamaadey oo halkaa ka jeedisey Buraan-bur ay si aad ah
ugu amaaneysey xarunta Bil-khayr iyo faa'iidada ay gabdhaha u leedahay
Waxbarashada taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen dadkii ka qayb galey
munaasabadaas lagu soo xirayey Tababarkaas
Gabdhihii dhameystay
Tababbarka ayaa la guddoonsiiyay goobta munaasabadda ka
socotey Shahaadooyin Aqoonsi u ah aqoontii la baray sidoo
kale Xarunta Bil Khayr u mahad-celisey intii ku gacansiisey
Hirgelinta Tababarkaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]