11/16/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 12, 2018
Farmaajo “Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka


 

Axad, August, 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo hor-u-socodka dalka, dawladdiisuna ay diyaar u tahay in ay si dhaw ula shaqayso, fursad-na ay u siiso dhallinyarada in ay qayb weyn ka qaataan dib u dhiska dalka.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib u curashada dawladnimadeenna, waxaan ugu baaqayaa in ay muruqooda iyo maskaxdooda si mutaddawacnimo ah ugu adeegaan dalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan xog isweydaarsi ah kula yeeshay Madaxtooyada xubno ka tirsan ururrada Dhallinyarada ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynuhu waxa uu dhallinyarada uga warbixiyey xaaladda dalka, gaar ahaan siyaasadda, amniga, dhisidda iyo xoojinta hay’adaha dawladda, kobcinta dhaqaalaha iyo qorsheyaasha lagula dagaallamayo musuqmaasuqa.

Madaxweynaha ayaa xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku leeyihiin sugidda amniga qaranka, maadama ay yihiin tirada ugu badan shacabka Soomaaliyeed, kartida iyo howlkarnimana ay u leeyihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda.

“Dhallinyaro, waxa la idinka rabaa in aad dawladda gacan ku siisaan dadaallada lagaga hortagayo argagaxisada iyo kooxaha nabad-diidka ah ee sida joogtada ah u gumaada haldoorka dhallinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed”

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu joogteyn doono kulamada dhallinyarada si ay u kala helaan xog rasmi ah, una kala qaataan talooka wax ku oolka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
8/12/2018 1:46 PM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Axmed Shide oo ah wasiirka Isgarsiinta Itoobiya loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha xisbiga Dumoqaraadiga Soomaalida Itoobiya.

8/12/2018 11:56 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL)–Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Dhalinyarada Aduunka 12- Agoosto 2018 ayaa lagu qabtey Xarunta Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed , waxaana ka qayb galey Wasiiro, Masuuliyiinta Jaamacadda Ummada, Macalimiinta Jaamacada, Dhalinyaro isugu jirey Wiilal iyo Gabdho iyo Marti Sharaf kale.

8/12/2018 8:10 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL)–Wararka Hiiraan Online ka soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in ciidamada dowladda toogasho ku dileen qof hubeysan oo dilay sida ay goobjoogayaal sheegeen askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

8/12/2018 7:30 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL)-Goobtan oo loo yaqaan Dhagax-jabinta, dhanka waqooyina kaga began Kismaayo ayaa waxaa manta ku hdintay ilaa sedex kamid ah shaqaale halkaasi dhagax ka soo saarayay kadib markii ay kusoo duntay buur dhagax ah.

8/12/2018 6:55 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL) - Jabhadda ONLF ayaa magaalada Nairobi maanta kaga dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah, ka dib muddo tobanaan sano ah oo ay dagaal kaga soo hor jeedday dawladda Itoobiya.

8/12/2018 1:33 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray in uu dhagaha ka fureysanayo handadaadda uga imaanaysa Mareykanka ee ku saasban xariga baadari ameerikaan ah oo Turkigu u haysto eedo la xiriira argagixisanimo.

8/12/2018 1:18 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL)–Taliyaha guud ee ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM Gen. Jim Owoyesigire oo khudbad u jeedinayay ciidamada howlgalka midowga Africa ee ku sugan Jowhar ayaa sheegay in ay looga baahan yahay ciidamada midowga Africa in ay ka bar bar dagaalamaan ciidamada kale ee dowladda Soomaaliya.

8/12/2018 1:04 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL) – Waxaa xasiloon magaalooyinkii ay qalalaasuhu ka dhaceen horaantii bishan, wararku waxaa ay intaa ku darayaan ay duulimaad-yadii diyaaradaha ee u kala socdaali jiray Jigjiga iyo Addis Ababa iyaguna horrantii todobaadkan dib u bilaabmeen.

8/12/2018 12:56 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL)-Dekedda magaalada Muqdisho ayaa la daah-furay xalay markii ugu horeysay tan iyo bur burkii dowladda dhexe in ay xili habeen ah shaqeyso.