3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 12, 2018
Mas’uuliyiin ka qeybgashay xuska maalinta dhalinyaradda aduunka


Axad, August, 12, 2018 (HOL) – Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Dhalinyarada Aduunka 12- Agoosto 2018 ayaa lagu qabtey Xarunta Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed , waxaana ka qayb galey Wasiiro, Masuuliyiinta Jaamacadda Ummada, Macalimiinta Jaamacada, Dhalinyaro isugu jirey Wiilal iyo Gabdho iyo Marti Sharaf kale.

Munaasbadaas oo ay soo agaasimeen Dallada SOYDEN iyo Hay'ada Socdaalka Nabada ayaa Halku dhigga Sannadkaan uu ahaa “Xoojinta Codka iyo Aragtida Dhalinyarada ee Dastuurka Dalka” waxaana ugu horeyn halkaas ka Hadley Gudoomiyaha Jaamacada Ummada Soomaaliyeed Prof Maxamed Axmed Jimcaale oo qayb ka ahaa abaabulka Munaasbadda

“Waxaa la gaarey xiligii ay dhalinyarada xoogooda isku geyn lahaayeen waayo aduunka ma jirto dhalinyaro Shaarka u cad yahay waa in ay dhalinyrada Soomaaliyeed Muruq iyo maskax isku geeyaan taas baa lagu dhisi karaa dalka” waxaa uu sii raaciyey

“Waxaa idiin soo Jeedinayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay u Howlgalaan sidii Dastuurka Dalka uu Hirgeli lahaa islamarkaana Dalka aad u horseedaan in ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod sidoo kale waxaa idiin leeyahay in aad la shaqeysaan Wasiirka Dastuurka”

Xubnihii kale ee Munaasbadaas lagu xusayey maalinta dhalinyarada Aduunka ka hadley waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Dallada SOYDEN Cismaan Tahliil Shaatax ayaa waxaa uu sheegey in Sannadkii hore ay Dhalinyrada Halku dhigoodu ahaa in ay ka muuqdaan Siyaasada Dalka halka maanta uu yahay halku dhigga in dhalinyrada xoojiyaan Dastuurka dalka maadaama ay yihiin dadka ugu badan dalka

Waxaa kaloo Halkaas ka Hadley Wasiirka Dastuurka Dowlada Federaalka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil waxaa uu u mahadceliyey intii isku soo dubaridey Munaasabadaan sidoo kale Wasiirka waxaa uu ku dheeraadey arrimaha Dastuurka isagoo sheegey in Dhalinyarada looga baahan yahay in ay ka dhex muuqdaan Taabagelinta Dastuurka oo uu sheegey in uu soo marey Maraxalado kala duwan.

Wasiir Xoosh oo ka jawaabey Su’aalo ay Weydiiyeen Dhalinyarada ayaa si Saraaxad ah ugu jawaabey Su’aalahaas, Dhinaca kale Dhalinyaradii ka qayb gashey munaasbadii lagu xusayey Maalinta Dhalinyarada oo loo qaybiyey qaybo qaybo ayaa ka doodey Doorka Dhalinyarada ee Dastuurka

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/12/2018 1:46 PM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Axmed Shide oo ah wasiirka Isgarsiinta Itoobiya loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha xisbiga Dumoqaraadiga Soomaalida Itoobiya.

8/12/2018 12:09 PM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo hor-u-socodka dalka, dawladdiisuna ay diyaar u tahay in ay si dhaw ula shaqayso, fursadna ay u siiso dhallinyarada in ay qayb weyn ka qaataan dib u dhiska dalka.

8/12/2018 8:10 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL)–Wararka Hiiraan Online ka soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in ciidamada dowladda toogasho ku dileen qof hubeysan oo dilay sida ay goobjoogayaal sheegeen askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

8/12/2018 7:30 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL)-Goobtan oo loo yaqaan Dhagax-jabinta, dhanka waqooyina kaga began Kismaayo ayaa waxaa manta ku hdintay ilaa sedex kamid ah shaqaale halkaasi dhagax ka soo saarayay kadib markii ay kusoo duntay buur dhagax ah.

8/12/2018 6:55 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL) - Jabhadda ONLF ayaa magaalada Nairobi maanta kaga dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah, ka dib muddo tobanaan sano ah oo ay dagaal kaga soo hor jeedday dawladda Itoobiya.

8/12/2018 1:33 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray in uu dhagaha ka fureysanayo handadaadda uga imaanaysa Mareykanka ee ku saasban xariga baadari ameerikaan ah oo Turkigu u haysto eedo la xiriira argagixisanimo.

8/12/2018 1:18 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL)–Taliyaha guud ee ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM Gen. Jim Owoyesigire oo khudbad u jeedinayay ciidamada howlgalka midowga Africa ee ku sugan Jowhar ayaa sheegay in ay looga baahan yahay ciidamada midowga Africa in ay ka bar bar dagaalamaan ciidamada kale ee dowladda Soomaaliya.

8/12/2018 1:04 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL) – Waxaa xasiloon magaalooyinkii ay qalalaasuhu ka dhaceen horaantii bishan, wararku waxaa ay intaa ku darayaan ay duulimaad-yadii diyaaradaha ee u kala socdaali jiray Jigjiga iyo Addis Ababa iyaguna horrantii todobaadkan dib u bilaabmeen.

8/12/2018 12:56 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL)-Dekedda magaalada Muqdisho ayaa la daah-furay xalay markii ugu horeysay tan iyo bur burkii dowladda dhexe in ay xili habeen ah shaqeyso.