4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 12, 2018
Madaxweynaha Turkiga oo ku hanjabay in ay joojinayaan isticmaalka dollar-ka

 

Axad, August, 12, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dalka Turkiga  Recep Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay in uu dhagaha ka fureysanayo handadaadda uga imaanaysa Mareykanka ee ku saasban xariga baadari Ameericaan ah oo Turkigu u haysto eedo la xiriira argagixisanimo.

Erdogan ayaa Mareykanka uga digay in Turkigu uu diyaar u yahay in uusan ku ganacsan wax doolar ah.

Arrintan ayaa timid kaddib markii madaxweyne Trump uu laba jibaaray canshuurta la saarayo birta iyo naxaasta Turkiga uu u dhoofiyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa dalbanayay in la sii daayo baadarigaasi Turkiga u xiran, balse Erdogan ayaa Washigton uga digay in xiriirkoodu uusan u xumaan sababo la xiriira xarigga baadarigaasi.

Madaxweyne Erdogan oo la hadlayay boqolaal qof oo isugu soo baxay magaalada Unye ee Waqooyi bari Turkiga ayuu u sheegay in ay khalad tahay in baadari dartii Turkiga jilbaha dhulka loo dhigo.

Waxa uuna intaasi ku daray in dalkiisa uu diyaar u yahay in baayacmushtarigiisu uu ku saleeyo lacag aan doolar ahayn uuna la baayacmushtaro dalal ay ku jiraan Shiinaha, Ruushka,Iiraan iyo Ukraine.

Erdogan ayaa ugu baaqay shacabkiisa in ay dalkooda taageeraan oo lacagaha qalaad ee ay haystaan ay ku bedeshaan liiraha dalkooda.

Dad badan oo Turki ah ayay durba saameysay hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta dalkaasi ee liiraha, waxaana dad deggan magaalada Istanbul ay BBC-da u sheegeen in xaalad xun ay ku jirta lacagta dalkaasi Turkiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]