4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 12, 2018
Magaalada Godey dadka aan Soomalida aheyn oo dib loogu celiyay hantidii laga boobay

 

Axad, August, 12, 2018 (HOL) –Waxaa xasiloon magaalooyinkii ay qalalaasuhu ka dhaceen horaantii bishan, wararku waxaa ay intaa ku darayaan ay duulimaad-yadii diyaaradaha ee u kala socdaali jiray Jigjiga iyo Addis Ababa iya-guna horrantii todobaadkan dib u bilaabmeen. 

Meelihii kale ee dhibaatooyinku ka dhaceen waxa ka mid ahayd magaalada Godey oo dadkii deganaa ee aan Soomaalida ahayn ganacsigoodii la boobay.

Dhibtaas oo la sheegay inay geysteen dhalin yaro mudaharaadayey oo sida la sheegay ka cadhaysnaa xiisaddii ka aloosantay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. 

Hadba waxaa maalmahan socday dedaal ay wadeen xubno ka tirsan golaha sare ee Islaamka Itoobiya xafiiskiisa Godey oo waday waano iyo wacyi gelin ay ku daminayeen xaaladdii taagnayd. Waxaanay sidoo kale isku hawleen in ay u soo celiyaan dadkaa qawmiyadaha kale ka tirsan wixii hanti ah ee laga dhacay.

Shariif Cabdifataax Shariif Cumar oo ka tirsan gudida arintaa isku xil qaantay ayaa sheegay in ujeedadoodu ahayd xasilinta deegaanka iyo in aanay abuurmin colaad dhex marta qoomiyadaha Itoobiya.

Shariif Cabdifataax oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay ilaa haatan boqolkiiba sideetan u soo celiyaan dadkii la dhacay hantidii ka maqnayd.

Waxaanu ugu baaqay shacabka deegaankaas Soomaalida Itoobiya ku dhaqan in ay ilaaliyaan nabad gelyada oo aanay ku daydaan tallaabada ay qaadeen dadka reer Godey oo ay isku dumaan dadka xiisaddu kala geysay.

BBC