3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2018
Dagaal beeleed dhimasho sababay oo ka dhacay dulleedka magaalada Kismaayo

 

Sabti, August, 11, 2018 (HOL) - Warar ka imanaya Jubbaada hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya labo beelood uu ka dhacay deegaan Galbeed ka xiga magalada Kismaayo sida ay sheegeen wax-garadka deegaanka.

Tiro ka badan Afar ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhiteen in kastoo wararka qaar tirada dhimashada gaaar-siinayaan ku dhawaad 10 ruux, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay Ugaas Xassan Sheekh Ibraahim oo ka mid ah wax-garadka Jubbooyinka.

Dagaal ayaa salka ku haya dhul daaq-simeed la doonayo in loo badalo deegaan, taasoo mid ka mid ah labada beellood ee dagaalamaya ka soo horjeesteen.

Horay waxaa jirtay in labada beellood heshiis ku kala saxiixdeen, hasse ahaatee dagaaalkan danbe ee maanta dhacay ayuu sheegay Ugaas Xassan in ay soo qaadeen beesha kale oo sida uu hadalka u dhigay iyagu ka baxay heshiiska.

Goobta lagu dagaalamayo oo ah dhul baadiye ah ayaa lagu waramayaa in markii danbe ay gaareen ciidamada maamul gobolleedka Jubbaland oo kala dhax-galay labada beellood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/11/2018 10:54 AM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL) - Maxkamada Sare ee dalka Kenya ayaa shalay ku amartay labo (2) hay’adood oo laga leeyahay dalka Finland in ay joojiyaan lacago ay si khaldan oo been abuurasha ah ugu bixinayeen magaca Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

8/11/2018 10:28 AM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaliya ayaa si rasmi ah u howlgalisay golaha dhaqaalaha Qaranka oo bishii July ee ina dhaaftay lagu magacaabay wareegto ka soo baxday madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

8/11/2018 9:00 AM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL)-Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa maanta uu shir ku dhaxmaray saraakiil ka tirsan dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya oo ka soo duulay magaalada Addis Ababa iyo odayaasha dhaqanka deegaanka.

8/11/2018 7:49 AM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray go’aan lagu burinayo Hanti dawladdu lahayd oo shirkaddo gaar ah maamulayeen, waxaanu sheegay in dib loogu soo celiyey gacanta dawladda.

8/11/2018 5:18 AM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL)-Waddada isku xirtay Balcad iyo Jowhar waa halka ugu khatarsan marka lagu safrayo dhulka, waxaana marar badan hore weerarro sababay khasaare isugu jira dhimasho dhaawac ka geystay dagaalamayaasha Al-shabaab.

8/11/2018 4:59 AM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL)-Mid ka mid ah Farsasmayaqanada diyaaradaha oo si sharci darro ah u duuliyay diyaarad aan cidina saarneyn oo nuuceedu yahay Horizon Air Q400,ayaa ku dulburburtay Jasiirad ku dhow deegaanka Seattle ee gobolka Washington.

8/11/2018 2:42 AM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL)-Lix ruux oo asalkoodu yahay Itoobiyaan ayaa lagu waramayaa siyaabo kala duwan loogu dilay dalka Jabuuti weerar u muuqday aargoosi, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ah.

8/11/2018 12:59 AM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL)-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in baadhitaan madax bannaan oo lagu kalsoon yahay lagu sameeyo duqayntii diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sucuudigu ku dileen carruurta badan ee reer Yemen.

8/11/2018 12:47 AM EST
Sabti, August, 11, 2018 (HOL)–Dowladda Imaaraadka Carabta sheegtay dhisi doonta dhuumo shidaalka qaada oo isku xiri doona dalka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo magaalada Asab ee dalka Ertirea.