4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2018
Dowladda Soomaaliya oo howlgalisay golaha Dhaqaalaha Qaranka

 

Sabti, August, 11, 2018 (HOL) -Dowladda Soomaliya ayaa si rasmi ah u howlgalisay golaha dhaqaalaha Qaranka oo bishii July ee ina dhaaftay lagu magacaabay wareegto ka soo baxday madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in hay’addaha dhaqaalaha dalka yihiin kuwo liito, hasse ahaatee wixii hadda ka danbeeyay lagu maareyn doono dhaqaalaha dalka sida la mid ah sida wadamada ee caalam-ku ku dhaqmaan.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa hadalka ka sheegay kulan lagu daah –furayay golaha Dhaqaalaha Qaranka, waxaana ka qeybgalay kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho xubno ka tirsan gollaha.

Kheyre ayaa sheegay in dowladda wixii hadda ka danbeya ku shaqeyn doonto tallooyinka dhinaca dhaqaalaha oo ay soo bandhigaan guddigan, taasoo kaalin ka qaadan doonta ayuu yiri horumaritan dhaqaalaha.

Hadafka laga leeyahay dhismaha guddigan ayuu ku sheegay in uu yahay sidii tallada guud ahaanba dalka dib loogu soo celin lahaa gacanta shacabka Soomaaliyeed, muwaadinkana uu heli lahaa xaquuqdiisa aas-aasiga ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]