4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2018
Saraakiil iyo odayaal dhaqameed ku shiray magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

 

Sabti, August, 11, 2018 (HOL) - Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa maanta uu shir ku dhaxmaray saraakiil ka tirsan dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya oo ka soo duulay magaalada Addis Ababa iyo odayaasha dhaqanka deegaanka.

Gaar ahaan kulanka waxaa dhinaca Itoobiya ku matalaya saraakiisha kala ah Jeneraal Xasan Ibraahim oo wasaaradda difaaca ee Itoobiya u qaabilsan sirdoonka, iyo taliyaha milateriga ee bariga Itoobiya Jeneraal Balaay Sayuu oo dhinac ah, iyo Odayaasha dhaqanka.

Kulanka ayaa intiisa badan diirrada lagu saaray arrimo u badan amniga iyo waliba rabashadihii ugu danbeeyay ee ka dhacayay todobaadyadii aynu soo dhaafay qeybo ka mid dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Saraakiisha ayaa sheegay in sababta ciidamada federaalka Itoobiya u soo fara-galiyeen xaalada gobolka tahay sidii loo joojin lahaa rabshadaha looga-na hortagi lahaa amaan darro soo food saarta dadka shacabka iyaga oo intaa ku daray in mar-naba aan la aqbali doonin cid hub qaadata oo dibeda uga baxda magaalada uga baxda.

Dhinaca odayaasha dhaqanka waxaa ay saraakiisha raali-galin ka siiyeen rabshadihii dhacay iyo gubistii goob mac-bad ah oo ay Kiinasado ka mid ahaayeen, sidoo kale waxaa ay raali-galin ka bixiyeen boob iyo dhac loo geystay dadka aan Soomalida aheyn gaar ahaan dadka ka soo jeeda Qowmiyada Oromada.

Marka laga soo tago odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha sidoo kale kulanka waxaa fadhiyay oo ka qeyb-galay madaxweyne ku-xigeenka cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Xamdi Adan Cabdi oo hadda ah ku-simaha madaxweynaha.

Kulankan ayaa imanaya dhinaca kale iyadoo uu kulan ka socdo magaalada oo ay shir ku leeyihiin dawladda federaalka Itoobiya iyo xubno ka tirsan xisbiga dimoqaraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]