4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2018
AMISOM oo ka qeybqaadaneysa sugida amniga waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar

 

Sabti, August, 11, 2018 (HOL) - Waddada isku xirtay Balcad iyo Jowhar waa halka ugu khatarsan marka lagu safrayo dhulka, waxaana marar badan hore weerarro sababay khasaare isugu jira dhimasho dhaawac ka geystay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dhawaan waxaa magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamulka Hirshabeelle tagay taliyaha guud ee ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM Beesigye Oweyesigire isaga oo kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha ciidamada AMISOM ee ka howlgala gobolka Shabeellaha dhexe.

Taliyaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in aysan dhufsyada oo kaliya ku jirin laakiin loo baahan yahay in ay ka qeyb-qaataan howlgalada lagula diriirayo Al-shabaab, gaar ahaan sugida amniga waddada isku xirtay Balcad iyo Jowhar oo ay ka dhacaan weerarrada ugu badan ee Al-shabaab.

Horay waddadaas waxaa loogu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo ay ku jiraan xildhibaanno, iyo saraakiil ciidan, waxaana muuqata in ciidamada militeri-ga dowladda Soomaaliya oo kaliya ku fileyn sugida amniga waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar oo muhiim u ah isku socodka dadka rayidka iyo mas’uuliyiinta maamulka intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]