Imaaraadka oo dhisaya dhuun shidaalka qaada oo isku xiri doonta doona Itooiya iyo Eritrea
Sabti, August, 11, 2018 (HOL) – Dowladda Imaaraadka Carabta
sheegtay dhisi doonta dhuumo shidaalka qaada oo isku xiri doona dalka magaalada
Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo magaalada Asab ee dalka Ertirea.
Wakiilada Wararka Fana ayaa lagu sheegay in xogtan lagu soo
bandhigay kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ra’iisal wasaare Abiy
Ahmed iyo Reem Al Hashimy
oo ah wasiiru-dowlaha Iskaashiga caalamiga ah ee dalka Isku-taga Imaaraadka
Carabta.
Lamaga bixin kulanka faah faahin intaa dhaafsiisan, laakiin
madaxa shaqaalaha ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo lagu magacaabo Fitsum Arega
ayaa sheegay in sidoo kale maal-gashigan
uu quseyn doono dhinacyada "warshadaha,
beeraha, hantida maguurtada, (iyo)
dhuumaha saliida."
Tallaabadan Imaaaraadka ayaa noqoneysa mid ka mid ah
caalamadaha ugu waaweyn ee saameynta dowladda Imaaaraadku ku yeelaneyso Geeska
Africa.
Dowladda Imaaraadka ayaa la sheegay in kaalin-weyn oo
muuqata ku laheyd wada hadaladdii lagu soo afjaray colaadii 20ka sano u
dhaxeysay labada dowladood ee Itoobiya iyo Ertirea, Imaaraadku saldhig weyn militeri ayuu ku
leeyahay magaalada Asab ee dalka Eritrea.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]