4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 10, 2018
Dib u dayactir lagu bilaabay Buundo ay gooyeen Al-shabaab oo ku taal J/hoose


Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Buundadan oo muhiim u ahayd isu socodka dadka iyo gaadiidka ayay dagaalyahanno ka tirsan Shabaab gooyeen dabayaqaadii bishii July ee sanadka, kadib weerar ay kusoo qadeen deegaankaasi oo saldhig u ah ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland.

Wadadan oo magaalada Kismaayo ku xirta deegaanada uu maro webiga Jubba ee waqooyiga gobolka ayaa waxaa aad u isticmaali jiray gaadiidleeyda isa gooshta Kismaayo iyo gobollada kale ee dalka, waxaa sidoo kale wadadan isticmalai jiray gaadiidka qudaarta ka keena beeraha gobolka.

Magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxaa ka jiray sicir-barar dhanka qudaarta ah, maadaama ay istaageen gaadiidkii ka iman jiray deegaanada gosha ee waqooyiga gobolka J/hoose ee ay ka iman jirtay khudradda.

Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud Lugadheere, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo saraakiil ciidan ayaa maanta kormeeray howlaha dib u dhiska ee lagu bilaabay buundadaasi.

Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud Lugadheere ayaa sheegay in howlaha dib u dhiska ah ay iska kaashanayaan dowladda iyo shacabka reer Jubbaland, isagoo xusay in ay goordhow dib u furmi doonto wadadaasi islamarkaana gaadiidku si caadi ah u isticmaali doonaan.

Dib u dhiska lagu bilaabay wadadan ayaa kusoo beegmeysa xilli mudooyinkii u danbeeyay ay shacabka magaalada Kismaayo ka cabanayeen xirnaashaha wadadaasi, taa oo keentay in ay istaagaan badeecooyinkii magaalada uga iman jiray gobollada kale ee dalka oo ay kamid tahay qudaarta.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.