3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 10, 2018
Spain iyo Talyaaniga oo la kala wareegay howlgalka Atlaanta ee Soomaaliya

 

Jimco, August, 10, 2018 (HOL) – Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Markab ciidan oo laga leeyahay dalka Spain oo si rasmi ah xilka howlgalka Atlaanta ee Soomaaliya kala wareegay Markab dagaal oo kuwa Talyaaniga ah ayaa lagu qabta xalay dalka Jabuuti.

Taliyaha Markabka Talyaaniga ee hawlgalka waday ayaa sheegay intii ay uu socday howlgalkan in marnaba aysan la kulmin wax caqabad ah oo kaga yimid dhinaca burcada, islamarkaana si nabad ah ay ku goosha-yeen Maraakiibta QM iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay.

Wuxuu sheegay xilligii ugu dambeysay ee burcad badeeda ay isku dayaan in ay fal ka geystaan badda ay aheyd bishii 11 ee sanadkii tagay 2017 oo ay isku dayeen meel 300 Mile ujirta magaalada Muqdisho ay markab ka afduubtaan, laakiin tallaabadaa isku dey-ga burcad badeeda ayuu sheegay in ay ka hortageen ciidamada badda oo qabtay lix ka mid ah raggaasi u gudbiyay wadanka Siishelis.

Taliyaha guud ee ciidamada Midowga Yurub ee hawlgalka Atlaanta oo la hadlay VOA ayaa sheegay in howlgalkan lagu kordhiyo labo sano oo kale.

“Go’aan muhiim ah ayuu ahaa oo Midowga Yurub ay gaareen 30kii bishii July in ay kordhiyaan hawlgalka Atlaanta, sababta waxa ay tahay waxaa naga go’an la dagalanka burcad badeeda, waxaa ay tuseysaa wada shaqeynta Midowga Yurub iyo Soomaaliya, waa muhiim in ganacsiga uu isku kala goosho” ayuu sheegay taliyaha guud ee ciidamada Midowga Yurub ee hawlgalka Atlaanta.

Admiraalka ayaa sheegay in howlgalkan uu joogsan doonin xitaan haddii ay ka baxaan midowga Yurub taageeradii ay siin jireen dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in dowladdo badan oo aan ka mid aheyn midowga Yurub ay ka qeyb-qaadanayaan taageerada howlgalani.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/10/2018 3:20 PM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)– Guddoomiya degmada Tog-Wajaale qeybta xigta Itoobiya oo lagu magacaabo Axmed Khadar Cabdi Cali ayaa sheegay in ay toogasho ku dhaawacmeen ciidanka Liyuu Booliis ee dowlad deegaanka Itoobiya xili sida uu hadalka u dhigay uu isku dayay in uu ka celiyo in ay qaataa gaari dab-damis ah oo degmada yiilay.

8/10/2018 11:16 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)– Wada-hadallo lugu raadinnayay in lugu xalliyo xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ee u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ayaan illaa hadda wax natiijo ah laga gaarin, sida u xaqiijiyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camay).

8/10/2018 9:22 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)– Dowladda Sacuudiga ayaa Soomaaliya dib ugu soo celisay xoolo dhawaan la dhoofiyey oo lagu qiyaasay toddoba iyo labaatan kun oo neef, waxaana lugu wadaa Markabkii xoolaha qaaday oo la soo celiyey inuu illaa maalinta Axadda ku soo xirto dekedda Bossaaso.

8/10/2018 8:25 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Buundadan oo muhiim u ahayd isu socodka dadka iyo gaadiidka ayay dagaalyahanno ka tirsan Shabaab gooyeen dabayaqaadii bishii July ee sanadka, kadib weerar ay kusoo qadeen deegaankaasi oo saldhig u ah ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland.

8/10/2018 7:40 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in cuna-qabateyntii Mareykanku uu ku saaray Ruushka eedeynta la xiriirta sumeynta basaas hore oo Ruushka u shaqeyn jirey iyo gabadhiisa ay dib u dhac ku keeneyso horumaradii laga sameeyay wadahadalladii dhex maray madaxda labada dal.

8/10/2018 7:27 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Waxaa shalay gelinkii lagu qabtay magaalada Muqdisho aqoon-isweydaarsi hal maalin socday oo ku saabsanaa barashada qorsheynta maamulka iyo istiraatijiyada ganacsiga goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

8/10/2018 3:10 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Guddida ilaainta iyo dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiilada, ayaa eeddo musmusuq usoo jeedisay wasiiro ka tirsan xukuumaddii hore ee Axmed Silaanyo, kuwaas soo bandhigay lacag loogu talogalay mashaariic in lagu fuliyo oo aan lagu fulin.

8/10/2018 2:54 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Ku dhawaad 40 xubnood oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga ka arimiya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, sida ay sheegeen xubno ka tirsan golaha.

8/10/2018 12:55 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Madaxweyne Donald Trump sodohdii iyo sodogii ayaa noqday muwaadiniin Maraykan ah iyaga oo loo sameeyay xaflad gaar ah.

8/10/2018 12:48 AM EST
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Shaqaale ka tirsan hay'adda hay’adda Bisha Cas ayaa lagu waramayaa in dabley loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin xooggaga Al-shabaab ku qafaasheen gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed.