4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2018
Qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay magaalada Buuhoodle

 

Arbaco, August , 01, 2018 (HOL) -Qaraxan oo dhacay fiidkii hore ee caawa ayaa waxaa la sheegayaa in qof walxaha qarxa ku xirnaayeen uu beegsaday gaari ay saaraayeen mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka Khaatumo garabka loogu yeero Badbaado Khaatumo.

Laba mas’uul ayaa wararka hor-dhaca ay sheegayaan in ay dhinteen in kasta oo aanay jirin cid xaqiijin karta tirada dadka dhintay kaddib markii ciidamo isku gadaameen goobta dadkan la geeyey.

Khasaaraha dadka ayaa aad u badan sida HOL u sheegay Cabdilaahi Cabdi oo meel aan ka fogey joogey halka qaraxu ka dhacay "Ma garanayo khasaaraha iyo sida wax u dheceen balse waxaa meesha yaala dad badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, masuuliyiin ayaa ku jira waa dhinteen iyo waa dhaawac intaba waa la sheegayaa" ayuu yidhi goobjoogahani.

Qaraxa noocan ah ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ka dhaca magaalada Buuhoodle, waxaana dadka magaaladaasi ku dhaqan ay ku tilmaamayaan anfariir,

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool