Axad, April, 08, 2018 (HOL ) – Muqdisho caawa hadal heynta
ugu weyn ayaa ah lacagta lagu qabtay
garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo kulanka la filayo in maalinta Berri ah ku
yeeshaan xarunta Golaha Shacabka xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya kaa oo
Ajandihiisu yahay kalsooni kala noqoshada guddoomiye Jawaari.
Lacagtan la qabtay oo cadadkeedu
dhamaa $ 9 Milyan iyo 600 oo Kun dollar ayaan la ogeyn ilaa iyo hadda halka ay
ku soctay waxaana lagu siday diyaarad ka timid dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta
oo tan iyo wixii ka danbeeyay khilaafkii Khaliijka aan xiriir wanaagsan la
aheyn dowladda Soomaaliya.
Cidna xog ku filan kama helin halka rasmiga ee lacagtan lagu waday hasse ahaatee waxaa jira warar
soo baxaya oo sheegaya in lacagtan loo isticmaali lahaa saadka iyo mishaarka
ciidamo ka tirsan dowladda oo ay tababaraan Imaaraadka Carabta.
Laakiin taa badalkeeda dhinaca
kale marka aad eegto dowladda Soomaaliya ayaa ka shaki qabta in lacagtan ay ku
soctay dhinacyada kale ee ka soo horjeeda iyadoo la ogyahay in ay jirto xasarad
siyaasadeed oo ka dhax taagan hay’addaha dowladda.
Amaanka magaalada Muqdisho siweyn
loo adkeeyay oo waxaa jira ciidamo aad u hubeysan oo caawa la dhigay Isgoysyada
muhiimka ah caasimada madaama maalinta Berri ah loo balansan yahay kulan ay
yeelanayaan xildhibaannada Golaha Shacabka.
Waxaa burburay waan-waan kasta oo
la doonayay in leysugu soo dhaweeyo dhinacyada iska soo horjeeda ee xildhibaannada
Golaha Shacabka gaar ahaan waxaa fashil ku soo dhamaaday kulamo uu madaxweynuhu
lahaa guddi ka socday guddoomiyaha Golaha Shacabka.
In Jawaari uu kursiga ka dego
ayaa u baahan ugu yaraan la helo 184 xildhibaan oo ah tiro aad u badan marka la
eego tirada guud xildhibaannada hadda ku sugan caasimada.
Kulanka loo balamay maalinta
Berri ah oo noqonaya mid xasaasi ah ayeey dadku u wada dhag-taagayaan waxa ka
soo bixin doona, lamana oga sida ay wax isku badali doonaan saacadaha soo
socda iyadoo maanka lagu hayo in marar badan oo hore dib loo dhigay fadhiyo
loo balansanaa.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]