3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 8 , 2018
Faah faahin ku saabsan diyaarad lacag siday oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho

 

Axad, April, 08, 2018 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarad siday sida la sheegay lacag fara badan u siday oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradan oo ka timid dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta la socdeen saraakiil ka tirsan Imaaraadka, waxaana saarnaa oo lagu qabtay sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah cadad lacageed oo dhan $ 9,600,000 ( Sagaal Milyan iyo Lix Boqol oo kun oo dollar )

Tuhunka ayaa yimid kaddib markii uu muran ka dhashay baaritaan diyaarada lagu sameyn lahaa oo ay is hortaageen diblomaasiyiin ka tirsan safaarada Imaaraadka oo ku sugnaa garoonka ku doodeen in ay leeyihiin xasaanad, sidaa daraadeed la baari karin waxa ay diyaaradu sido.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid Hiiraan Online u xaqiijisay halka ay lacagtan ku danbeysay iyo in ay la wareegeen laamaha Amniga dowladda iyo in kale marka laga soo tago oo kaliya in ay la qabtay.

 

Dhinaca kale Hiiraan Online ayaa heshay warqad qoraal ah oo ku saxiixnaa taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiwali Jaamac Xusseen Gorod oo  looga codsanayo maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde in loo ogolaado lacagtaa in ay garoonka kala soo baxaan maamulka iyo saraakiisha dugsiga tababarka Gordan lacagtaa oo loo isticmaalayo raashinka iyo mishaarka ciidamada xoogga dalka oo ay tababaraan Imaaraadka lacagtaasoo uga imaneysa degmada Boosaaso.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan lacagtan oo laga war hayay inay ka soo dageyso garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Lacagtan ayaa imaneysa xili dalku uu jiro jahwareer siyaasadeed oo ka dhashay mooshin laga keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari, dhinaca kalana bilihii ugu danbeeyayba uu jiray shaki weyn oo soo kala dhaxgalay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ku eedeysan in ay gacan taageero siiso siyaasiyiinta ku kacsan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/8/2018 4:38 PM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL ) – Muqdisho caawa hadal heynta ugu weyn ayaa ah lacagta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo kulanka la filayo in maalinta Berri ah ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya kaa oo Ajandihiisu yahay kalsooni kala noqoshada guddoomiye Jawaari.

4/8/2018 11:04 AM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL)-Suldaan Nadiif Saydh Jibriil oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa maanta lagu xidhay magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

4/8/2018 10:02 AM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL)-Waxaa xarunta Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka lagu gudoonsiiyey Shahaadada Xisbinnimo seddax Xisbi siyaasadeed oo soo buuxiyey sharuudaha ka mid noqoshada xisbiyada siyaasadeed.

4/8/2018 6:49 AM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL) - Warar saacadihii ugu danbeeyay soo baxay ayaa sheegaya in guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey u diray xildhibaannada taageersan mooshinka isaga oo ku war-galiyay in ay ka soo qeybgalaan kulan maalinta Berri ah ka dhacaya xarunta Golaha Shacabka.

4/8/2018 5:44 AM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL)-Dhisme ganacse oo uu madaxweyne Mareykanka Donald Trump uu ku leeyaha magaalada New York ayaa lagu waramayaa in uu dab qabsaday.

4/8/2018 4:08 AM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL)-Guddiga la socodka dib u eegista dastuurka ayaa sheegay in la kordhiyay tirada uu guddiga ka kooban yahay, iyadoo markii u horeysay xubno ka socday maamul goboleedyada lagu soo daray.

4/8/2018 3:51 AM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL) - Iyadoo maalmihii aynu soo dhaafnay dadka iyo gaadiidleyduba dhibaato weyn ku qabeen xirnaashaha jidadka magaaalada Muqdisho ayaa waxaa soo ifbaxaya yidiilo ay muujinayaan dadweynaha iyo gaadiidleyda intaba kaddib markii la qaaday ciidamadii ku sugnaa Isgoysyada magaalada Muqdisho dibna loo furay dhamaanba jidadka u xirnaa Amaanka dartii.

4/8/2018 12:15 AM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL)-Inta la xaqiijinayo Saddex ruux ayaa ku dhimatay tiro ka badan 20 ruuxna waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii nin gaari xawli ku socda wata jiirsiiyay magaalada Muenster ee galbeedka dalka Jarmalka dad maqaaxi ku sugnaa.

4/8/2018 12:08 AM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL)-Waxaa guud ahaanba laga saaray fariisimihii ay ku lahaayeen bartamaha magaalada Muqdisho ciidamadii xasilinta ee bilihii ugu danbeeyayba ku sugnaa isgoysyada magaalada, waxaana badalaya ciidamada oo fariisimahoodii la wareegaya ciidamo Booliis ah.

4/8/2018 12:02 AM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL)-Waxaa muuqanaya in hadda baadi goob loogu jiro sidii loo qaboojin lahaa xiisad siyaasadeed todobaadyadii ugu danbeeyayba ka dhax aloosneyd xildhibaannada Golaha Shacabka kaddib guddiyo shalay loo saaray xal u helida khilaafka.