4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 8 , 2018
Xildhibaannada Baarlamaanka oo lagu war-galiyay kulan maalinta Berri ah ka dhacaya xarunta Golaha Shacabka

 

Axad, April, 08, 2018 (HOL) - Warar saacadihii ugu danbeeyay soo baxay ayaa sheegaya in guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey u diray xildhibaannada taageersan mooshinka isaga oo ku war-galiyay in ay ka soo qeybgalaan kulan maalinta Berri ah ka dhacaya xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiye Muudeey ayaa ajandaha kulanka maalinta Berri ah ku sheegay in uu noqonayo ka dooddista mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka.

Fariimahan ayaa imanaya xili dhinaca kale uu soconayo dadaal la doonayo in lagu soo afjaro khilaafka ka dhashay mooshinka, hasse ahaatee waxaa muuqanaya in wali ay jirto kala aragti-duwanaan iyo farqi u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda.

Ilo xog ogaal ah oo ay Hiiraan Online xiriir la sameysay ayaa u sheegay in kulanka lagu dhawaaqay noqon karo wiiqaya dadaallada socda ee uu madaxweynuhu hormuudka u yahay.

Xaalada ayaa sacadihii ugu danbeeyay u muuqatay mid degan oo dhinacyadu isku soo dhawaanayaan, kaddib markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bilaabay in uu kulamo kala duwan la qaato guddiyo ka kala socday labada dhinac.

Laakiin dad badan ayaa u arkaya kulankan uu ku baaqay maalinta Berri guddoomiye ku-xigeenka koowaad mid sii xumeynaya xiisadii markii horeba jirtay.

Waxaa dib uu dhacay kulan lagu ballansanaa maalintii shalay in xarunta Golaha Shacabka ay ku yeeshaan xildhibaannada mooshinka ka keenay guddoomiye Jawaari kaddib markii waabarigii hore ee subaxnimadii Sabtidii shalay lagu wargaliyay xildhibaannada in kulankaa uu dib u dhacay.

Lama oga in Berri uu qabsoomi doono kulanka uu ku baaqay guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka iyo in kale, iyadoo la ogyahay in marar badan oo hore dib loo dhigay fadhiyo qorsheysnaa in laga yeesho mooshinka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]