4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 8 , 2018
Gaari lagu weeraray Maqaaxi ku taala dalka Jarmalka

 

Axad, April, 08, 2018 (HOL) - Inta la xaqiijinayo Saddex ruux ayaa ku dhimatay tiro ka badan 20 ruuxna waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii nin gaari xawli ku socda wata jiirsiiyay magaalada Muenster ee galbeedka dalka Jarmalka dad maqaaxi ku sugnaa.

Saddexda ruux ee dhimatay ayaa mid ka mid ah waxa uu yahay darawalkii waday gaariga weerarka lagu geystey oo is toogtay halka lix kamid ah dadkii weerarkan ku dhaawacmay ay xaaladooda liidato.

Dadka waxyeeladu soo gaartay ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen meel barxad ah oo ay ku cunteynayeen maqaaxi caan ah oo ku taal bartamaha magaalada Muenster.

Ninka weerarka geystey ayaa la sheegay inuu yahay 48 jir u dhashay wadanka Jarmalka balse dhimirkiisu uusan caadi ahayn.

Mas’uuliyiin u hadashay maamulka magaalada uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in uusan falkan wax xiriir ah la lahayn argagaxiso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]