Khamiis, April, 05, 2018 (HOL) - Laba Wiil oo
dhallinyaro ah oo Garoowe u tagay Baasabooro ayaa la sheegay inay ku afduuban
yihiin magaaladaasi ka dib markii koox deegaanka ahi u qabsadeen labadaasi wiil
in loo soo daayo nin ku xidhan xabsiga Burco ee gobolka Togdheer.
Labadan wiil ayaa magacyadoodda la kala
yidhaahdaa Cabdiqaadir Axmed Guuleed iyo Xamse Tima Cade waxaanay magaaladda
Garoowe u tageen sidii ay usoo qaadan lahaayeen Passpoorka Soomaaliya,
haseyeeshee hoteelkii ay ku jireen waxa kala baxay koox deegaanka ah oo
siideynta labadaasi wiil ku xidhay shuruud ah in loo siidaayo nin ku xidhan
magaaladda Burco oo loo haysto kufsi uu ku sameeyey xaaskii uu qabay inan ay
dhashay, kuwaas oo markii hore ka yimid Gaalkacyo, haseyeeshee Burco ugu
geeriyootay kufsigii soo gaadhay maadaama oo gabadh aad u yar ahayd.
Hooyo Sahra Iimaan Siciid waxay dhashay mid ka
mid ah labadan wiil ee ku afduuban magaaladda Garoowe, waxaanay ka warbixisay
qaabkii loo kaxaystay iyo shuruudda lagu xidhay siideyntooda.
“wiilkayga iyo wiilkan kale waxay Hargeysa ka
baxeen jimcihii hore waxaanay Garoowe u tageen inay Paaspooro ka soo
samaystaan, haseyeeshee koox deegaanka ayaa afduubatay waanay nala soo hadal
siiyeen, waxaanay yidhaahdeen labadan wiil waxaanu u haysana Nin ku xidhan
xabsiga Burco oo dawladda Somaliland haysato, waxaanay sheegen marka ninkaasi
la soo daayo uun baanu siidaynaynaa, anaguna awood aanu kula kulano dawladda ma
nihin, waxaan ka codsanaynaa inay noo siidaayaan caruurtaasi”ayey tidhi hooyo
Sahra Iimaan.
Hooyo Sahra Iimaan waxay sheegtay in dadkan
afduubtay laban wiil ay doonayan nin la sheegay inuu Kaalkacyo ka yimid oo
gabadh yar oo ay xaaskiisu nin kale u dhashay uu kufsada ka dibna Cisbitaalka
Burco loo keenay inay gabadhaasi lagu daweeyo haseyeeshee kufsigii soo gaadhay
u geeriyootay.
Waalidkan dhalay labadan wiil ee afduubay waxay
maamulka Puntland iyo dadkan caruurtooda u afduuban yihiin ka codsanayaan
in caruurtooda loo siidaayo.
Waa markii ugu horeysay ee dhallinyaro Hargeysa
ka tagay lagu afduubo deegaanada Puntland.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.