4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2018
Wasiirka difaaca Uganda oo su’aalo laga weydiinayo weerarkii Buula-Mareer

 

Khamiis, April, 05, 2018 (HOL) - Baarlamaanka Uganda ayaa u yeereen Wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi, si wax looga weydiiyo weerarkii ururka Al-shabaab 1-dii bishan ay ku qaadeen fariisin ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin degaanka Buula Mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Guddoomiye kuxigeenka Baarlamanka Uganda Jocup Olenya oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay u yeereen Wasiirka difaaca, oo Mudanayaasha ay wax ka weydiinayaan weerarkii Buula-Mareer, si loo helo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo magacyada Askartii ku geeryootay.

Dowladda Uganda ayaanan weli shaacin khasaaraha dhabta ah ee ciidamadooda ka soo gaaray weerarkii Buula Mareer, maadaama shacabka ay u baahan yihiin in ay ogaadaan tirada saxda ah ee weeraraasi ku geeryootay.

“Dadka waxay u baahan yihiin in ay ogaadaan weerarkaasi khasaarihiisa, Xukuumadda weli kama aanay hadlin, sidaasi darteed waxaan u yeernay Wasiirka Gaashaandhigga, si arrintan wax looga weydiiyo” ayuu yiri Guddoomiye Jocup Olenya.

Saraakiisha ciidamada Uganda oo weerarkaasi ka hadlay ayaa ku faanay inay qabsadeen gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada Shabaab, sidoo kalena intii uu socday dagaalka ay ku qabsadeen hub Shabaab ay lahaayeen.

Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegeen weerarkii Buula-Mareer in ay ku dileen 59 Askari oo AMISOM ahaa, balse Dowladda Uganda oo dagaalkan uu qabsaday ciidamada ayaa waxa ay beenisay warkan, waxayna tilmaamtay in ay dishay 22 Al-shabaab ah. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]