4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2018
Golaha ammaanka oo isku raacay in la kordhiyo taageerada AMISOM

Arbaco, April, 05, 2018 (HOL) – Golaha Ammaanka oo Arabacadii shalay yeeshay kulan ayaa waxaa ay falanqeeyeen weerarada xoogagga ururka Al-shabaab ee ka dhanka ah fariisimaha ciidamada Midowga Afrika ee AMIOSM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin Gobolada dalka.

Laba nin oo ka tirsan Shabaab oo kaxeynayay gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa 1-dii bishan April isku qarxiyay Saldhiga ciidamada AMISOM ee degaanka Buulo-Mareer oo Gobolka Shabeellaha Hoose.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa waxa ay tusaale u soo qaateen weerarkaasi, waxayna tilmaameen in falkaasi ay aad uga xun yihiin oo aysi wadajir ah u cambaareynayaan.

“Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa xaqiijiyay in argagixisada dhammaan qaabkeeda iyo muuqaalkeedu ka dhigan yahay mid ka mid ah kooxaha ka soo horjeeda nabadda adduunka iyo ammaanka, waxaan ka xunnahay weerarkii dhcay 1-dii bishan, talaabo sibedel ah ayaa jiri doonta” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay golaha.

Waxay hoosta ka xariiqeen Golaha baahida loo qabo in la keeno dembiileyaasha, qaban qaabiyeyaasha, maal-galiyeyaasha iyo kafaalad-qaadayaasha ficilladan, taasi bedelkeeda ayay isku raaceen in ay kordhin doonaan taageerada dhaqaale ee ay siinayaan ciidamada AMISOM, si ay u yareeyaan weerarada khatarta leh ee Al-shabaab.

Golaha ammaanka ayaa waxaa ay sheegeen in ay u mahadcelinayaan dhammaan hawlwadeenada caalamiga ah ee ka shaqeynaya inay nabad iyo xasillooni ka dhalato Soomaaliya.

Ururka Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegeen weerarkii Buula Mareer in ay ku dileen 59 Askari oo AMISOM ahaa, balse dowladda Uganda oo dagaalkan uu qabsaday ciidankooda ayaa waxaa ay beenisay warkan, waxayna tilmaamtay in ay dishay 22 Shabaab ah.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia