4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2018
Jidadka Halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gadiidka Muqdisho oo wali xiran

Arbaco, April, 05, 2018 (HOL) –Waxaa wali xiran Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho  Soomaaliya, waxaana jira ciriiri ka dhashay wadooyinkan xiran.

Ciidamada Ammaanka dowladda federaalka ayaa shalay xiray wadooyinka magaalada Muqdisho, maadaama uu jiray kulan xasaasi ah oo xildhibaanada Baarlamaanka ay laba ugu qeybsanaayeen, balse kulanka markii dambe uu baaqday.

Isgoysyo ku yaalla wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho ayaa saakay mar kale xiran, waxaana ka mid ah Isgoysyada Tarbuunka, KPP, iyo kuwo kale, ciidamada ammaanka ayaana ku sugan wadooyinkan.

“ Hadaan nahay shacabka Soomaaliyeed dhibaato ayaan ku qabnaa xirnaanshaha wadooyinka, shalay waala gartay, laakiin maanta ma naqaano, annaga nolol maalmeedkeena ayaan ka raadsanaa magaalada” ayuu mid ka mid ah darawada gadiidka BL.

Dowladda Soomaaliya ayaa illaa hadda keeni la’ Qorshe shacabka loogu furayo wadooyinka xiran, iyadoo qorshaha kaliya ay keentay dowladda uu yahay wadooyinkii furnaa oo la sii xirayo.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia