4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 30, 2018
Maxmed Mursal oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka

 

Isniin, April, 30, 2018 (HOL)– Doorasho xiiso badan oo xildhibaannadu labo wareeg oo codeyn ah mareen ayaa ugu danbeyntii waxaa ku guuleystay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo horay u ahaa Wasiirkii gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa helay codad gaaraya 147, halka musharaxa Ibraahim Isaaq Yaroow uu helay 118 cod.

Horay ayeey u muuqatay doorashadan in loo siidaaliyay, iyadoo dad badan sii hadal hayen in Mursal ku soo bixin doono guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guud ahaan doorashadan waxaa ku tartamay 10 musharax oo ka tirsan xildhibaannada Golaha Shacabka, iyadoon wareegii labaad ay isugu soo hareen Afar Musharax, laakiin markii danbe ay tanaasuleen Labo musharax, taasoo keentay in ay isugu haraan labada musharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yaroow oo loo adkaaday 29 cod.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]