4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 30, 2018
Wararkii ugu danbeeyay ee qaban-qaabada doorashada guddoonka Baarlamaanka

 

Isniin, April, 30, 2018 (HOL) - Xarunta Golaha Shacabka waxaa ka socta qabanqaabo loogu jiro doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay u sharaxan ilaa 11 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka.

Musharixiinta qaarkood ayaa ka tanaasulay xilal ay ka hayeen xukuumadda Soomaaliya waxaana ka mid ah Wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal iyo Saalam Caliyoow Ibroow oo ahaa wasiirkii Tamarta xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale musharixiinta ka mid ah mas'uuliyiin horay xilal kala duwan xukuumadda uga hayay sida Wasiiru-dowlayaal iyo Wasiir ku-xigeen kuwaa oo dhamaantood ka tanaasulay xilalkii ay hayeen.

Doorashada maanta oo noqon doonta mid adag marka la eego loolanka siyaasadeed ee socda iyo tirada musharixiinta ayaa la filayaa in la dhowr wareeg oo doorasho aho la mar, haddii aan la helin  tanaasul ka yimaada qaar ka mid ah musharixiinta.

Sida ilo xog ogaal ah noo sheegeen doorashada maanta waxaa ka qeybgali doonin Korjoogtada madaxa-bannaan, sida ururada bulshada rayidka iyo beesha caalamka, kaddib markii arrintaa ay go’aan horay uga soo saareen guddiga qaban-qaabada doorashada.

Hadaba Wararka ku saabsan doorashada waan idin soo gudbin doonnaaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]