4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 30, 2018
Puntland oo soo bandhigtay ciidamo sida ay sheegeen ka soo goostay Somaliland

 

Isniin, April, 30, 2018 (HOL) - Saraakiisha ciidamada dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeyn ciidamo militarii ah oo ka soo goystay Soomaaliland.

Sareeyo Guuto Siciid Axmed Maxammed(Shoodhe) iyo Guddoomiyaha gobolka Nugaal Col Cumar Cabdullaahi Maxammed (Fara-Weyne) iyo mas’uuliyiin kale ayaa goob fagaara ah ku soo bandhigay ciidamadan oo tiradooda lagu sheegay 110 Askari oo ka mid ahaa ciidamada Guutada Gacan libaax oo fadhigooda uu ahaa Jiida hore ee Gobolka Sool.

Cabdullaahi Cabdi Cali(Gacan-libaax) oo hogaaminayay ciidamadan la soo bandhigay ayaa sheegay in ay u dulqaadan waayeen dhibaatooyin ay kala kulmeyn Soomaaliland inkastoo uusan caddeynin dhibaatadii lagu hayay.

Ciidamadan ka tirsanaa militariga Soomaaliland ee ku soo biiray maamulka Puntland sida lasheegay ay ku soo aadeyso xilli xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ay weli ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolka Sool.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]