4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 3 , 2018
Kulanka Golaha Shacabka ee maalinta Berri ah ‘’ Labo Garab iyo Labo Ajande’’

 

Arbaco, April, 04, 2018(HOL) - Khilaafka Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka oo u muuqday mid sii shiiqaya wixii ka danbeeyay Sabtidii aynu soo dhaafnay kaddib markii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dib u dhigay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada iska soo horjeeda, ayaa mar kaliya saacadihii ugu danbeeyay ee maanta cirka isku shareeray.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id xafiiskiisa ku qabtay ayaa eedeymo culus u jeediyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo sida uu hadalka u dhigay la saftay garab ka mid ah dhinacyada ee Baarlamaanka ee is haya.

Eedeynta guddoomiyaha Golaha Shacabka ah mid culus marka dhinac laga eego ayaa u muuqata mid meesha ka saartay waan-waan kasta oo ay suurtagal aheyn in arintan lagu dhameeyo.

Maalinta Berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 04 bisha April 2018 ayeey mar kale xildhibaannadu u balansan yihiin kulan aan wax badan ka duwaneyn kii Sabtidii aynu soo dhaafnay uu madaxweynuhu is hor taagay, waxaana la filayaa haddii uu kulankani qabsoomo in halkaa ay isugu tagaan Labo Garab oo kala wata Labo Ajande oo aad u kala fog.

Xildhibaannada taageersan mooshinka ka dhanka ah Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay fariin ka heleen guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey oo sida ay hadalka u dhigeen ku warga-liyay in Ajandaha kaliya ee maalinta Berri ah uu noqon doono mooshinka ka yaala Baarlamaanka Guddoomiye Jawaari.

Dhinaca kale marka la eego xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka ayaa iyaguna sheegay in ay heleen fariin lagu wargalinayo in kulanka maalinta Berri ah looga dooddi doono xaalada degmada Beled-Xaawo.

Is gaashaanbuursiga Xildhibaannada dhaxdooda ah ayeey dad badan shaki ka muujinayaan suurgalnimada in kulanka maalinta Berri ah uu noqon karo mid si degan u dhaca, madaama dhinac walba uu ku adkeysanayo in sharci ahaan ay tahay in uu Goluhu uu ka dooddo Ajandaha mid walba oo ka mid ah Labada Garab uu halkaa u xaadiray.

Lama oga sida ay wax isku badali doonaan saacadaha soo socda iyo in mar kale kulankan dib loo dhigi doono iyo in kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]