4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 3 , 2018
NUSOJ oo tababar u soo xeray Suxufiyiinta ku nool gobolka Mudug


Arbaco, April, 04, 2018 (HOL) Aqoon kororsi loo sameynayo suxufiyiinta ku sugan gobolka Mudug ayaa lagu soo gabagabeeyay maanta magaalada Galkacyo halkaasoo lagu tabababary suxufiyiinta da’ yarta ah oo ka howl gala qeybaha kala duwan ee warbaahinta dalka.

Tababarkan oo uu soo abaabulay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa waxaa ka faa’ideystay 30 suxufi oo ka howl gala gobolka Mudug si aqoontooda iyo xirfadooda saxaafadeed kor loogu qaado.

Tababarkan oo ah mid ay ay taabagelintiisa iska kaashanaya ururka NUSOJ iyo Ururka Suxufiyiinta Aduunka ee IFJ ayaa waxaa si gaara diirada lagu saarayay anshaxa iyo xirfada saxaafada iyo doorka ay saxafiyiintu ku leeyihiin daminta colaadaha.

Furitaankii tababarkan ayaa waxaa ka hadlay mas'uuliyiin ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Xasan Maxamed Khalif, Duqa magaalada Galkacyo, Maxamuud Yaasin Axmed (Tumey) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Puntland Mowliid Abuukar Abkeey.

Maamulka Gobolka iyo dowlad goboleedka Puntland ayaa ku amaanay ururka NUSOJ dadaalka ay ugu jiraan kor u qaadista suxufiyiintya Soomaaliyeed ayadoo ay ku booriyeen ururka NUSOJ in ay gaarsiiyaan tababarkaan gobolada kale ee dalka.

Xoghayaha Abaabulka NUSOJ Cawil Maxamuud Cabdi oo isla markaana ah Agaasimaha Idaacada Galkacyo ayaa sheegay in NUSOJ ay ugu talagashay in degmooyinka iyo gobolada dalka in ay geysto aqoon kororsigan kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfada suxufiyiinta Soomaaliyeed.

NUSOJ, ayuu yiri Cawil Maxamud Cabdi, waxaa ka go’an in ay awood siiso saxafiyiinta Soomaaliyeed si ay uga soo dhalaalaan doorkooda bulsha weynta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin. Cawil Maxamuud waxaa uu ku nuux-nuux saday in kor u qaadida aqoonta suxufiyiinta ay keeneyso in ay yaraadaan khaldaadka dhinaca saxaafada ka dhaca, xadgudubyada loo geysanayo suxufiyiinta isla markaana kor u qaado sumcada iyo tayada saxaafada.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa ka sheegay munaasabadii furitaanka in wax lagu farxo ay tahay saxafiyiinta gobolka Mudug in ay si wada jir ah ugu faa’ideysanayaan tababarkaan ayaga oo muujiyay in ay bah wadaag ku yihiin xirfada.

“Waxaa si weyn noosoo jiidatay doorka shariifka ah ee ay suxufiyiinta gobolkaan ka qaateen nabadeynta deegaankooda ayagoo adeeg sanaya xirfadooda saxaafadeed. Waxaan aad u dareen sanahay in ay u baahan yihiin in la garab istaago oo ay helaan kobcin lagu sameeyo aqoontooda saxaafadeed,” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan.

Ururka NUSOJ ayaa wado dadaal balaaran oo ay ku doonayaan in lagu tababaro in ka badan 200 oo suxufi dhamaan dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]