4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 3 , 2018
Prof Jawaari : Madaxweynaha waa uu ku guuldareystay in uu dhax galo dhinacyada is khilaafsan

 

Arbaco, April, 04, 2018  (HOL)  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynaha uu ku guuldareystay in uu dhaxdhaxaadiyo dhinacyada uu khilaafku u dhaxeeyo ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Jawaari ayaa sheegay in halkii uu ka filayay madaxweynaha in uu arintan soo dhaxgalay qaab odeytimo uu isaga ka dalbaday in uu is casilo, taasoo ah ayuu yiri arin gardaro ah.

‘’Madaxweynaha waa uu ku guuldreystay in dhaxdhaxaadiyo dhinacyada is khilaafsan ee Golaha Shacabka, waxey aheyd in sharciga la raaco ama arintan loo galo qaab odey-nimo ah, laakiin ma fileyn in Anniga la ii soo jeediyo in is casilo ‘’ ayuu yiri Prof Jawaari.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay Prof Jawaari in uusan dhaxdhaaxaad ka aheyn khilaafka u dhaxeeya labada dhinac, isaga oo sheegay in uu fasaxay qabashada kulanka maalinta Berri ah, halkii loo baahnaa in uu ku soo afjaro khilaafka labada garab muddo 10 cisho ah.

‘’Bulshada Soomaaliyeed waxaa ogeysiineynaa in madaxweynuhu uusan dhaxdhaxaad ka aheyn khilaafka Baarlamaanka, isaga oo fasaxay in kulanka maalinta Berri ah uu dhaco, guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaa ku wargalineynaa in wixii cawaaqib ah oo ka dhasha kulanka maalinta Berri ah uu qaadi doono mas’uuliyadeeda madaxweynaha Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay in ay gabtay waajibaadkeedii shaqo ee loo idmaday sidaa daraadeed loo baahan yahay ayuu yiri in ay meesha ka baxdo.

“Waa qariib in Xukuumadda ay dhahdo lama shaqeyn karno Guddoonka Baarlamaanka, inaan ayaga u shaqeeyo miyay rabaan, waxaa rabaa in aan qeexo arrin dastuuri ah anaga uma joogno inaan u shaqeyno Xukuumadda, wada shaqeyn ayaa naga dhaxeyso, aniga is casili maayo, iyada ha is casisho”ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye Golaha Shacabka aya kulanka maalinta Berri ah ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Shirka jaraa’id ee guddoomiyaha ayaa muujinaya in ay meesha baxday waan-waantii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhax waday dhinacyada iska soo horjeeda ee golaha Shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]